Ciidamadda Booliska Somaliland Ee Gobalka Sool Oo Maanta Magaalada Laascaanood Ku Xidhay Seddex Wariye.

Ciidamadda Booliska Somaliland Ee Gobalka Sool Oo Maanta Magaalada Laascaanood Ku Xidhay Seddex Wariye.

images(36)

Laascaanood-(Salaanmedia.com)- Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa ku xidhay magaalo madaxda gobalka Sool ee Laascaanood Seddex Wariye oo mid ka mid ah lagu magacaabo Abdiqani Goox, oo k tirsan Telefishinka Somsat, iyo laba wariye oo kale oo lagu kala magacaabo Abdrashiid Caydiid iyo Ali Yousuf Ahmed.
Ah Taliye ku xigeenka ciidanka booliska ee gobalka Sool, oo goor dhawayd la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ku dooday in Seddexdan Wariye ee xabsiga loo taxaabay ay ka qeyb galeen waa sidahadalka uu yidhiye kulan ku lidi ah ammaanka, waxaanu xaqiijiyay in ay wakhti xaadirkan ku xidhan yihiin saldhig boolis oo ku yaala magaalada Laascaanood.