Ciidamadda Qaranka Somaliland Oo dib uga soo laabtay Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Ciidamadda Qaranka Somaliland Oo dib uga soo laabtay Degmada Taleex ee Gobolka Sool

BROK NEWSSSS

Talleex, 16 April 2014 (Salaanmedia.com)-Ciidamada Qaranka Somaaliland, ayaa maanta dib uga soo laabtay magaalada Taleex ee gobolka Sool oo shalay ay gacan ku haynteed la wareegeen.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka Soomaaliland oo xalay ilaa saaka isku balaadhiyey qaybaha degmada iyo deeganada ku dhow dhow ayaa si deg deg ah uga baxay Taleex goor ku beegnayd 12:00 duhurnimo . Goob jooge ku sugan degaanka Taleex ayaa shabakadda Salaanmedia.com u xaqiijiyey in ciidamadu magaalada ka bexeen oo ay u dhaqdhaaqeen dhanka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ilaa hadda lama oga sababta ka dambaysay bixintanka ciidamada Qaranka Soomaaliland, waxayse maanta la shireen odayaasha degmada.

Salaanmedia/Burco