Ciyaar Xiiso Badan Oo Dhex Martay Xildhibanada Golaha Degaanka.Wariyasha Togdheer iyo Kooxda Waayo-Arag

Ciyaar Xiiso Badan Oo Dhex Martay Xildhibanada Golaha Degaanka.Wariyasha Togdheer iyo Kooxda Waayo-Arag

S5850338(1)

Burco (salaanmedia.com)-Ciyaar Xiiso Badan ayaa Maalintii Shalayd ahayd Garoonka Cusub Ee Magalada Burco ku Dhex Martay Xildhibanada Golaha Degaanka Oo ay iskashanayaan Wariyasha Gobalka Togdheer iyo Kooxda Ciyaartoyga Waayo-Arag Ee Gobalka Togdheer,

S5850348(1)

Ciyaartani Oo ahayd Mid ay Si Baladhan Uga soo Qayb-Galeen Dadwaynaha Magalada Burco,Ciyaartoy,Maayirka Degmada Burco,Qaar ka Tirsan Xildhibanada Golaha Degaanka,Wariyasha Gobalka Togdheer,iyo Marti Sharaf Kale Duwan.

Waxaana Markii ay Ciyaartani Bilaabmatay Oo ay Socotay Wakhti Aad u Dheer ay ku Dhamatay Laba Gool iyo Gool isla Markaasna Waxay Halkaasi Gushii ku Raacday Xildhibanada Golaha Degaanka iyo Wariyasha Gobalka Togdheer
Waxaana Hal Gool ay Xildhibanada Goluhu iyo Bahda Warbaahintu ay Kaga Badiyeen Kooxdii Ciyaartoyga ahaa Ee ku Ciyarayay Magaca Waayo-Arag

Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad Oo ka Hadlay Gushasi usoo Hoyotay Dowlada Hoose iyo Wariyasha Togdheer ayaa Amaan usoo Jediyay Xildhibanada iyo Warbaahinta Guusha la Taaban Karo Ee ay usoo Hoyeen Dowlada Hoose Degmada Burco.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Maayirka Degmada Burco ” Waxaan Maanta ilaahay Mahadii Aan Ugu Faraxsanahay inay Dowlada Hoose Guul usoo Hoyaan Xildhibanadii Golaha Degaanka iyo Wariyashii Gobalka Togdheer Oo Runtii Soo Bandhigay Ciyaar Xiiso iyo Xamasad Leh,Waxaanan Xildhibanada Golahayaga ku Dhiiri-Galinayaa inay sii wadaan Ciyaaraha,Runtii Waxaynu Ognahay inay Ciyaartu ka Qayb-Qaadan Karto is dhexgalka Dhalinyarada Waxaanan Dhalinyarada Ciyaartoyga Reer Burco ku Wacyi-Galinayaa inay ka Feejignadaan Wax Kasta Oo Dhalinyarada Kala Qoqobaya” Ayuu Yidhi Maayirka Degmada Burco
Wariye Maxamed Cawad Maxamed Oo ka Mid ah Ciyaartoyga Gobalka Togdheer isla Markaasna u Ciyarayay Dowlada Hoose ayaa isaguna Dhankiisa Ka Hadlay Guusha ay ka Gadheen Ciyaartasi.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Waxaanu Maanta Halkan Ciyaar Xiiso Badani ku DhexMaraysaa Xildhibanada Golaha Degaanka iyo Wariyasha Gobalka Togdheer Waxaananu Ciyaartan la Ciyaraynaa Koox Ciyaartoy ah Oo ku Ciyaraysa Magaca Waayo-Arag,Runtii Guusha Aanu ka Gadhnay Ciyaartani Waa Mid Aanu sii Laban-Laabi Doono” Ayu Yidhi Wariye Maxamed Cawad maxamed
Siciid Maxamed Daahir Oo isaguna ka Hadlayay Afka Ciyaartoyga Waayo-Arag Oo isaguna ka Hadlay Ciyaartasi laga Badiyay Ciyaaroygooda ayaa Shegay inuu Hambalyaynayo Kooxdii ka Badisay.

Waxaanu Siciid Maxamed Daahir Sidoo kale Xildhibanada iyo Warbaahinta Gobalkana usoo Jeediyay inay Laban-Labaan Ciyaraha Noocan Oo Kali ah Ee la Ciyarayaan Dhalinyarada Ciyaartoyga Togdheer
Sidoo Kale Waxa iyaguna ka Hadlay Goobtii ay ka Dhacaysay Ciyaartasi Xildhiban Axmed Afyare iyo C/Naasir Maxamuud Faarax Oo ka Mid ah Ciyaartoyga Waawayn Ee Gobalka Togdheer.

Waxaanay iyaguna Dardaran u Direen Guud ahaanba Ciyaartoyga Reer Burco Oo ay usoo Jediyeen inay ku Dedalaan Sidii ay Dhalinyaradu isu Dhex Gali lahayd isla Markasna iska ilaliyaan Wax Kasta Oo Dhalinyarada Kala Kaxaynaya

Si Kastaba ha ahatee Ciyaartaasi maalintii Shalay ahayd Dhex Martay Xildhibada Golaha Degaanka,Bahda Warbaahinta iyo Kooxda Waayo-Arag ayaa ku soo Dhamatay Laba Gaal Aan Gool iyadoo ay Halkaasina Guushu ku Raacday Xildhibanada Golaha Degaanka.