DAAWO SAWIRO..XAFLADII SOODHAWEYNTA G CABDIRAXMAN IYO WAFTIGIISA LONDON.19.4.14

IMG_9571


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladii ugu balaadhneyd ee Abid uu yeesho Xisbiga Waddani UK ayaa ka dhacday hoolka Quruxda badan ee ku yaala Xaafada Wood Green ee Waqooyiga London.  Xafladan oo loogu talagalay soo dhoweynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land, ahna Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xilka Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/lahi “Ciro” iyo Wafti balaadhan oo ku weheliyey Safarkan ay ku joogaan Waddanka UK. 

IMG_9821

IMG_9714

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladan oo ilyartu isqabatay ayaa waxaa abaabulkeeda lahaa kana soo shaqeeyey Laamaha Koonfur Bari “SE” iyo Waqooyiga “N” ee London. Xafladan ayuu furitaankeedii lagu bilaabay Aayado Quraanka Kariimkaa waxaana ka dib hadalo soo dhoweyn iyo warbixino ah ku furay Gudoomiyaha UK,  Mudane Ahmed Ali Nahi. Gudoomiye Nahi ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo kaalinta Xisbiga UK kaga jiro dardargelinta hawlaha iyo horumarka Xisbiga. Xubno sare oo ka tirsan Xisbiga laamihiisa heer-Qaran iyo Uk-ba ayaa iyaguna goobta ka soo jeediyey hadalo yididiilo leh oo loo riyaaqay. 

IMG_9603

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubnihii wehelinayey gudoomiyaha oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan A/rahman Xoog, Xildhibaan Nasir A Shire, Gudoomiyaha Dhaqaalaha Xisbiga Waddani Mudane Ahmed Fag-fagaash, Gudoomiyaha Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr Maxamed Cismaan Fadal oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa taabtay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen Habdhaqanka Foosha-xun ee Xukuuada Kulmiye, Ku takri-falka Dhaqaalihii Wadanka iyo Awoodii Wadankaba; Kala-qaybinta iyo kala qo-qobida Bulshada S/land, Hoos u dhaca Siyaasadii Dibada oo laga leexiyey qaabkii dalka iyo dadka dantiisu ku jirtay; Dil iyo Cabudhin xoog leh oo ka soo cusboonaatay Wadankii iyo waxyaalo badan oo kale.

IMG_9630

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Ciro oo soo afmeeray Xafladan ayaa Mahadnaq balaadhan u soo jeediyey dhamaanba Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani UK iyo Xubnihii ka soo shaqeeyey inay qabsoonto xafladan qiimaha badani.  Gudoomiye A/rahmaan Ciro oo qodobo badan ka hadlay ayaa waxaa xusid mudan inuu yidhi: 

IMG_9933

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1) Cambaarayn Cabudhinta Saxaafada ee xukuumada Kulmiye taasoo uu ku macneeyey in qorshaha Xukuumadu yahay “Ama Kulmiye raac ama Afkaaga hayso”. 

2) In Diiwaan gelinta iyo Doorashaduba Xiligooda ku qabsoomaan. 
3) In Xilku yahay Qori isu-dhiib, Xukuumada Kulmiyena looga fadhiyo inay marka Xil-mudeedkeedu dhamaado ay si nabadgelyo ah u wareejiso Xilka. 
4) In looga baahan yahay Xukuumada Kulmiye inaysan ku xadgudbin Sharciga Wadanka iyo Madaxbanaanida Laamaha Wadankaba. 

IMG_9902

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

5) Ugu dambeyna Gudoomiye Ciro ayaa cadeeyey in xuquuqda Muwaadaniinta, Xoriyada Saxaafada, Wada-lahaanshaha Dalka iyo Khayraadkiisaba, Ilaalinta Sharciga Wadanka, Nabadaynta Deegaamada Wadanka, Ka-qayb qaadashada iyo Dhamistirka Horumarinta Wadanka iyo Awood saarida sidii Aqoonsi buuxda Wadanku u heli lahaa, ay yihiin Qorshayaasha Aas-aaska u ah Siyaasada Xisbigan Waddani, Waxuuna ugu baaqay in shacabku codkooda ku taageeraan Isbedelkan Cusub ee Xisbiga Waddani wado.

IMG_9629

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladan oo si qiimo badan ku soo gaba-gabowdey ayaa Madax-dhaqameedo, Aqoonyahano, Garabka Haweenka iyo Garabka Dhalinyaraduba kaalintoodu aysan meesha ka maqnayn. Waxaa kaloo xusid mudan in Xubno badan oo goobtan ku sugnaa ay Cadeeyeen inay ku soo biireen Xisbiga Waddani; Muruqooda, Maalkooda iyo Maskaxdoodana ku siyaadin doonaan Xisbigan Waddani si uu ugu guulaysto hogaanka Wadanka.   

Qasim A Saleebaan 
Afhayeenka Xisbiga UK 
kasslmn@aol.com 
London. 

IMG_9570 IMG_9571 IMG_9581 IMG_9595 IMG_9597 IMG_9601 IMG_9602 IMG_9603 IMG_9610 IMG_9625 IMG_9627 IMG_9629 IMG_9630 IMG_9635 IMG_9638 IMG_9648 IMG_9649 IMG_9650 IMG_9655 IMG_9656 IMG_9658 IMG_9662 IMG_9676 IMG_9677 IMG_9684 IMG_9688 IMG_9716 IMG_9718 IMG_9740 IMG_9756 IMG_9762 IMG_9763 IMG_9765 IMG_9766 IMG_9769 IMG_9773 IMG_9775 IMG_9781 IMG_9783 IMG_9786 IMG_9796 IMG_9798IMG_9804 IMG_9808 IMG_9814 IMG_9816 IMG_9821 IMG_9834IMG_9925 IMG_9932 IMG_9933 IMG_9935 IMG_9944 IMG_9952 IMG_9968

IMG_9678 IMG_9708 IMG_9709 IMG_9730 IMG_9792 IMG_9798 IMG_9799 IMG_9805 IMG_9818 IMG_9846 IMG_9856 IMG_9873 IMG_9885 IMG_9889 IMG_9891IMG_9920 IMG_9924 IMG_9963