Dhuxul Oo Beeniyay In Qaybo Ka Mid Ah Madaxtooyada Loo Rarayo Magaalada Burco

Dhuxul Oo Beeniyay In Qaybo Ka Mid Ah Madaxtooyada Loo Rarayo Magaalada Burco

Dhuxulllll

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.15.2014-Xukuumada Somaliland ayaa Si adag u beenisay in Xarunta Qasriga Madaxtooyada loo rarayo Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, oo goor dhaweyd la soo Xidhiidhay Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegay in Madaxtooyada loo rarayo Magaalada Burco “Adeer warkaasi waa been cad oo aanay waxba ka jirin,Madaxtooyadu way tagi kartaa meel kasta oo qaranka hawlo loogu qabanayo laakin waxba kama jiraan in Madaxtooyada la raraayo Burco, xafiiska madaxwayne Axmed Siilaanyo wuxuu ahaanaya halka uu imika yahay ee Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland” Hadalka Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ku soo beegmaya Xili warbaahinta qaar ay qoreen in dhawrka todobaad ee fooda inagu soo haya loo rarayo Magaalada Burco Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland