Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Hargaysa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Hargaysa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey

Garaad 1

Hargaysa(Salaanmedia.com)-Waxaa Maanta sidiiran oo aanloo kala hadhin soo dhawaynta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport ka soo degay ka dib markii uu dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Garaad 4

Garaadka oo ay wehelinayaan Wasiir ka tirsan Khaatumo State iyo Marwadiisa oo iyagu ka soo Duushay Dalka Somalia kuna kulmeen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal, ayaa Soo dhawaynta Garaadka maanta Caasimada Somaliland aad looga Dareemayey iyada oo Runtii aanay u kala Hadhin Xukuumad iyo Shacbiguba.

Garaad 1

Waxaana Xasuus mudan in Madax-dhaqameedka qaybihiisa kala Duwan oo ay Hogaaminayaan Boqoro, Garaado, Sulaadiin, Cuqaal,Xildhibaano iyo Waxgaradba Somaliland.