Hadii Kulmiye Aanu Sidaas Wax Kaga Wayno Aniga Iyo Xasan Gaafaadhi Waxaanu Samaysan Doonaa Urur Layidhaa Dalrays. Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare)

Hadii Kulmiye Aanu Sidaas Wax Kaga Wayno Aniga Iyo Xasan Gaafaadhi Waxaanu Samaysan Doonaa Urur Layidhaa Dalrays. Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare)

DSC00502

Hargaysa(Salaanmedia.com)-Guddoomiyihii Uurkii ku hadhay doorshada golaha deegaanka ee Ururkii dalsan ee la midoobay xisbiga kulmiye ayaa maanta fariin dhanbiil u diray hogaanka xisbiga. Waxa uu guddoomiyihii ururkii dalsan sheegay inuu sharciga u yaal xisbiga kulmiye dhigayo in xisbiga dhexdiisa lagu tartami karo, waxaana uu sheegay in hadii uu cadaalada helo xasan gaafaadhi uu heli doono guddoomiye ku xigeenka xisbiga.
sidoo kale waxa uu sheegay hadii uu xisbiga kulmiye iyo masuuliyiintiisu diidaan inuu xasan gaafaadhin isku sharaxo guddoomiye ku xigeenka xisbiga ay samaysan donaan urur layidhaa Dalrays. waxa uu xukuumada iyo masuulyiinta xisbiga kulmiyeba usoo jeediyey in ay dag-dag codkooda usiiyaan Musharax u taagan guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye Xasan gaafaadhi.
sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu maanta ka hadlayey munaasibada lagu shaacinayey xasan gaafaadhi oo isku soo sharaxay guddoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye
”Aad ayaa maanta usoo dhawaynayaa uguna faraxsanahay saaxiibkay xasan maxamed cali gaafaadhi oo ahaa guddoomiyihii ururkii hore Raysa isku soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye waan ku farax sanahay ismaaciil ahaan waan soo dhawaynayaa,Xeerka iyon sharciga uu kulmiye dhigtayna ee yaalana waxa u fasaxayaa inuu isa soo sharaxo waxa uu diidayaana ma jiro sida jirtay iyo mararka qaarkoodba waxa jira in la yidhaa waxa xal loo arkaa in sidaas iyo sidaas la yeelo iyo qoladaas sidaas loo daayo lakiin waxaasi waa qaboojin uune sharciga waxba kamay badalin.
sharciga marka waxa laga badalaa waa marka la iskugu yimaado shirwayne markaas ayuunbaa waxna laga badalaa waxna lagu kordhiyaa lakiin muuse biixiba waxa la tartamayey cabdi casiis maxamed samaale cabdi casiisna waxa lagu yidhi uga hadh muuse biixi sidaasna waa uu ugu hadhay lakiin way dhici kartaa rag kale oo aan ahayn cabdi casiis oo qarsoon ay soo baxaan talow ma sidii anag barigii udub qoorta nalooga xidhay ayaa maanta kulmiye nalooga xidhi doonaa maya Ayaan leeyahay.
Guddoomiyihii Hore Ee Ururkii Ku Hadhay Golaha Deegaanka Ee Dalsan oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Waxaan filayaa xisbiga kulmiye inuu ka dimuq-raadiyada badan yahay Markii aanu udub ahayn ayaa qoorta la iska qaban jiree lakiin sidaas uu maanta isku cadeeyey xasan gaafaadhi ayaa qofka han musharaxnimo ku jiro looga baahan yahay,sida uu madaxwaynaha somaliland sharcigu u dhigayo waxa uu xaq u leeyahay inuu isku soo sharaxo laba teeram lakiin haduu iska daayo isga ayey jirtaa.
lakiin haduu isku soo sharaxo qof kale waa hankiisa siyaasi Ma filayo hadii xasan cadaalada helo marka uu isa soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad waayayo waayo waxa uu sigay inuu ka mid noqdo saddexdii xisbi qaran markaas guddoomiyaha ku xigeenka xisbiga macno uguma fadhiyo.
Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in ay xisbiga kulmiye dan u tahaya inuu isa soo sharaxo xasan gaadhafaai waxaana uu yidhi”Marka aynu ka hadlayo xaq ee laga soo gudbo mala awaalka Xisbiga kulmiye ayey dan u tahay oo ay dan wayni ugu jirtaa inuu xasan ka mid noqdo gudoomiyaha ku xigeenka koobaad ee xisbiga.
waa mide waxa u wax tarayaa xisbiga waxaana uu wax badan ka badalayaa inuu xasan ka mid noqdo xisbiga kulmiye hadii aan aniga iyo xasan xisbiga kulmiye wax ka wayno waxaanu samayn doonaa Urur La yidhaa dalsan and raysa waana dal barwaaqo ah oo waxa weeyaan dalsan iyo raysa oo la isku daray Markaas taas ayaa iman doonta waxaana leeyahay xisbiga kulmiye dag-dag xasan gaafaadhi codkiina u siiya.