Khilaaf Soo kala dhex galay Gudiga Beesha Bariga Burco Oo laba garab u Kala Jabay + Ujeedada ka Danbaysa Khilaafkasi

Khilaaf Soo kala dhex galay Gudiga Beesha Bariga Burco Oo laba garab u Kala Jabay + Ujeedada ka Danbaysa Khilaafkasi

haa'(2)

Burco(Salaanmedia.com)-Abokor Cumar Aadan Dibi oo ka mid ah Gudiga Beelaha Habar Jeclo isla markaana ay qaar ka mid ah gudigu u doorteen Gudoomiye ku meel gaadh ah ayaa maanta shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Burco,waxa uu ku sheegay inuu sii hayn doono xilka loo igmaday inta gudigu isu iman doono oo aanu cid joojin doonin,
waxaanu ku baaqay in Gudiga beelaha salaadiinta iyo dhamaan cida danayanaysa ay isu yimaadan mudo bil gudaheed ah si loo doorto Gudoomiye rasmi ah maadaama gudoomiyihii geeriyooday dhawaan.waxaana hadaladiisii ka kid ahaa”dhawaan anigoo aan la joogin ayay Gudigii beelaha habarjeclo ee gar adag qayb ka mid ahi waxay
ii doorteen Gudoomiye ku meel gaadh ah anoo maraka horeba ka mid ahaa gudiga isla markaana ahaa asaasayaashii shirkii gar adag ,maadaama uu geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Maxamud(Gaadhi jiidh) si aan jagadaasi u banaan,Anigoo ka maqan markii aanu dib isu aragnay waxay igu yidhaahdeen anagaa sidaas garanay,

waan ku qanacay manaan doonan oo kaambayn umaan galin hadana uma sharaxni ee waxaan sii haynayaa mudadaas laysu imanayo,waxaan agartay oo ku baaqayaa inaan isugu yeedho gudigii mudo bil ah gudaheed oo guriga laysugu yimaado iyo waliba cidii kale ee danayanaysa, Cuqaal,salaadiin iyo waxgaradba.aniguna guruubaysi ma wado mana dhuumaalaysanayo Gudiga iyo abar jecloba qof dhex ah baan u ahay.

isagoo Abokorka hadlaaya liis uu Gudoomiye ku xigeenku saxaafada ku shaaciyay waxa uu yidhi”Gudiga way kala tagtay qaar badan baa iska tegay oo gudiyaal kale galay reeraa keensaday bedelkoodii,Gudoomiye ku xigeenku iyadoo aanu wax wada tashi ah cid la samayn ayuu waraaqda uu liiska hore ee uu gudbiyay shaaciyay,waxaa liiskaas ku jira rag Gudida ka hor yimi oo yidhi gudi ma jirto,Anigu Gudoomiye xigeenka xilkiisii ma hayo.

Dhanka kale qaar ka mid ah Gudiga ayaa iyaguna dhinacooda waxba kama jiraan ku tilmaamay gudoomiye nimada Abokor,waxaana ka mid ah Mahad Maxmed Cawaale,waxaanu yidi”Gudoomiye waxa dooran kara ama ridi kara koob iyo toban xubnood,si kale oo wax lagu ridi kara ma dooran kara,cid wax dooratayna ma jirto cid wax ridayna ma jiro,arnkanina waxaad mooda in uu yahay arin shirqool ah oo laga shaqaynayo oo buuq beesha la dhexgalinayo,waxaan leeyahay dadka arinkaas wada oo Abokor ka mid yahay maaha magacaaga in sidaas loo jiido ee ka noqo,xubnaha gudigana waa la hayaa qofku gudiga wax uu kaga tagaa sharci cad, cidii wax doonaysaa ee xil rabtaa ha timaado mudadii loo qabtay waa bidha may shan iyo tobankeeda.

Maxamuud Maxamed Jaamac ayaa isna yidhi”Marka shir dhaco ee la fadhiisto ayaa go,aan laga soo saaraa laakinn muu dhicn ee laba nin oo kaliya ayaa fadhiistay oo shir ma dhicin masuuliyad wayn baa qofka qarankaas dhan gudi u ah saaran waa in la ilaaliyaa,Gudoomiye ku xigeenka ayaa wali xilkii sii haya oo ku sime ah xiligiisiina ma dhamaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa beryahan danbe isasoo tarayay Baaqyada iska soo dab baxayay ee Gudigani iska soo dab saarayeen,lamana garanayo khilaafkani halka uu sal dhigan doono iyo wax uu dabada ku hayo,laakiin waxaa beryanan danbe la hadalhayay in khilaafkani ku salaysanyahay mid siyaasadeed oo salka ku haya xisbiyada siayaasada iyo dhinaca dawlada.

Salaanmedia/Burco