Kooxda Khaatumo Oo Cabasho Somaliland Ka Dhan Ah U Gudbiyey Afar Ka Mid Ah Safaaradaha Dawladda Ingiriisku Ku Leedahay Bariga Afrika Maxayse Kala Kulmeen

Kooxda Khaatumo Oo Cabasho Somaliland Ka Dhan Ah U Gudbiyey Afar Ka Mid Ah Safaaradaha Dawladda Ingiriisku Ku Leedahay Bariga Afrika Maxayse Kala Kulmeen

Khaatumo 1

Hargaysa: (Salaanmedia.com)- Kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo, ayaa dhaqdhaqaaqyadii colaadeed ee ay deegaanada Sool iyo Buuhoodle ka wadeen u bedalay inay bulshada caalamka ka dhaadhiciyaan qadiyaddooda ah inay yihiin Maamul shaqeynaya oo u taagan waxa ay ku sheegeen midnimada Soomaaliya.

Kooxdan oo doonaya inay hadafkooda tusaan indhadha caalamka isla-markaana Somaliland ka siiyaan war qaldan oo la xidhiidha xaqiiqada ka jirta Gobolka Sool ee Somaliland iyo in dhulkaasi xoog lagaga haysto, ayaa waxay war-bixin ku saabsan ujeeddooyinkooda iyo cabasho ah inaan deeqaha beesha caalamka waxba laga gaadhsiin deegaanadaasi siiyeen diblumaasiyiin Ingiriis ah, kuwaasi oo ka dhageystay cabashooda iyo waxa ay ka tabanayaan dawladda Somaliland.
Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel) oo ku Magacaaban Madaxwaynaha kooxda Khaatumo, oo dhawaan safar ku tagay Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa sheegay halkaasi kula kulmeen wakiillo oo ka socday safaaradaha dawladda boqortooyada Ingiriisku ku leedahay dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo weliba wakiil ka socday xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Uk u qaabilsan arrimaha Soomaalida, waxaanu sheegay inay u soo bandhigeen waxyaabaha ay tabanayaan.
Mr. Indho-sheel, ayaa sheegay in diblumaasiyiintani u sheegeen in war-bixin ay u gudbinayaan dawladdooda ay ku dari doonaan arrinta kooxda khaatumo.
Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel), oo shalay Magaalada Taleex ugu waramay saxaafadda, ayaa isaga oo arrimahaasi sharaxaya yidhi “Intii aanu Xamar joognay, waxa noo suurto-gashay oo aanu la kulannay Wakiil ka socday safaaradda dawladda Ingiriisku ku leeyahay Itoobiya, wakiil ka socday safaaradda Ingiriisku ku leeyahay dalka Kenya, Wakiil ka socday safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Muqdisho, wakiil ka socday xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaalida oo London ka yimid iyo wakiil ka socday qaybta Milatariga ee xafiiskooda Muqdisho, shantaa xubnood ayaanu la kulanay”
Mr. Indho-sheel, waxa uu sheegay inay iska wareysteen waaqaca ka jira deegaanada ay dhibaatada ka wadaan kooxda Khaatumo “Waxaanu iska wareysaneynay waaqaca ka jira deegaankan (Sool Iyo Buuhoodle), waxaanu u sheegnay oo aanu isla garanay warar qaldan oo deegaankan looga sheegay, ha noqoto sheegasho cid kale sheeganaysay ama ha ahaado xagga nabadgalyada iyo amniga, waxayna ogaadeen xaqiiqda” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Waxayna yidhaahdeen warkaaga waanu la noqonaynaa, war-bixintoodana way ku lifaaqayaan oo way u geynayaan (Dawladda Ingiriiska), kulamo dambena waanu ka sugaynaa….”
Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel), waxa kale oo uu sheegay in dawladda Soomaaliya oo ay iska arkeen masuuliyiinta ugu sareysa ay u ballan-qaadeen taageero buuxda “Intii aanu Xamar joognay, waxaanu is aragnay Madaxwaynaha Soomaaliya, Raysal-wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirrada dawladda.
Markaa Madaxda dawladda ugu sareysa waxaanu isla qaadanay sidii si buuxda ay Khaatumo u taageeri lahaayeen, siyaasiyan iyo iqtisaadiyan-ba”
XigagshoWargayska Somalilandtoday