Ma Laga Yaabaa In Xasan Gaafaadhi La Mariyo Waddadii Hore Loo Mariyey Gudoomiye Ku Xigeenkii Rasmiga Ahaa Ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir…Muj Cali Guray

Ma Laga Yaabaa In Xasan Gaafaadhi La Mariyo Waddadii Hore Loo Mariyey Gudoomiye Ku Xigeenkii Rasmiga Ahaa Ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir…Muj Cali Guray

Cali Guray

Hargeysa(Salaanmedia.com):-gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa ka hadlay talaabadii uu Xasan Gaafaadhi ku sheegay inuu u sharaxan yahay jagada gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye.

Mujaahid Cali Guray oo qoraal kooban oo uu arintan kaga hadlayo ku baahiyey bogiisa Internetka waxaa uu sheegay inay suura gal tahay in Xasan Gaafaadhi la mariyo wadadii hore loo mariyey gudoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Kulmiy Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Qoraalka uu mujaahid Cali Guray ku baahiyey bogiisa Internetkana waxa uu dhignaa sidan “Talaabada uu qaaday Xasan Gaafaadhi waa mid sax ah oo ku qotonta xeerka xisbigiisa Kulmiye,balse marka uu ka soo xaadiro madasha shirweynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye, ma laga yaaba in wadadii sharci darada
ahayd ee la mariyey gudoomiye ku xigeenkii rasmiga ahaa ee lagu dooortay shirweynihii 2aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir in Xasan laftiisa la mariyo, arintan uu ku kacay Xasan mid dacar iyo ladh kicisa mase laga yaabaa inuu albaabka u furay shakhsiyaad kale oo hoos u guuxayey , waxaan is leeyahay talaabadan Xasan Gaafaadhi waxa kaliya ee ay inoo sheegaysaa kaliye in khilaafkii xisbiga Kulmiye xaalkiisu yahay FARI KAMA QODNA FAANOOLE.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Xasan Gaafaadhi oo hore u ahaa gudoomiyaha ururkii Rays ayaa waxa uu maalintii shalay shaaca ka qaaday inuu u sharaxan yahay jagada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, talaabaddaas oo ka hor imanaysa qodobadii lagu soo afjaray khilaafka ka taagnaa xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Salaanmedia/Hargaysa