Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika U Qaabilsan Dawlada Ingiriiska

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika U Qaabilsan Dawlada Ingiriiska

Siil Iyo Qara

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.16.2104-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Mark Simmonds oo booqasho ku yimid dalka.
Kulankan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa kadib makii u soo idlaaday waxaa si wada jira xogwaran uga bixiyey waxa ay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Mr:Mark Simmonds.
Wasiir Maxmed Biixi halkaasi kahadlay ayaa waxaa uu sheegay in wasiirka ay kawada hadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeyey Dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska,waxaan uu carabka ku dhuftay in ay ka wadahadleen xaga hurumarka dalka,nabadgalyada iyo sida oo kale wax qabadka qurba joogta ee reer Somaliland ay ka soo gaystaan horumarka dalka.
“Aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa wasiirka oo maanta halkan u yimid madaxweynaha iyo wasirada in uu la kulmo waxaanan ka wada hadalnay cilaaqaadka labada Wadan ,Cilaaqaadkaas oo ah cilaaqaad Taariikhi ah aadna u xoogweyn,waxaanu ka wada hadalnay arrimo la xidhiidha xaga horu marka,xaga nabad galyada,waxaanu ka wada hadalnay arrimah ku lugleh shirka aanu qaban doono ee ingiriiska lagu qabanayo eekulug leh Trail and investment oo aad iyo aad muhiim ugu ah dadka reer Somaliland,waxaanu ka wada hadalnay arrimaha qurba joogta reer Somaliland ee Ingiriiska joogta,iyo wax qabad kooda iyo sidii ay wadankooda wax ugu tari lahaayeen”.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu sida oo kale uu daaha ka fayday in uu wasiirku ku dhawaaqay in dawlada ingiriisku ay ka qaday Somaliland cunaqabatayntii dhinaca safarka gaar ahaan Hargeysa iyo Barbera waxaana uu yidhi:
“Waxaanu aad iyo aad aanu ugu faraxsanahay in maanta uu wasiirku ku dhawaaqay in cuna qaba tayntii xaga safarka ee aanu muddada badan aanu ka hadlaynay ee aanu waydiisanay dawlada in ay ogaadaan in aanu dal nabada aanu nahay,dal xasiloon aanu nahay oo ay naga qaadeen gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera,balana waxaan uu qaadnay in aanu nabada aanu xoojino “.