MAXAA KA JIRA INAY WADA HADALO U BILAAMEEN XUKUUMADA SOOMAALILAND IYO CALI KHALIIF GALAYR?

MAXAA KA JIRA INAY WADA HADALO U BILAAMEEN XUKUUMADA IYO CALI KHALIIF GALAYR?

Cali khlaiif

Hargeysa(Salaanmedia.com,)-Warar soo baxay ayaa sheegaya inuu wada hadal u bilaabmay xukuumadda Somaliland iyo siyaasiga Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo ah maskaxda ka dambaysay samaynta kooxda Somaliland diidka ah ee Khaatumo
Wada hadal oo aan soo shaac bixin, ayaa waxa warar uu Geeska Afrika helay ay sheegayaan inuu magaalada Jigjiga ee wadanka Itoobiya kulamo ku dhex mareen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Garaad Jaamac Garaad Cali, oo isku dhinac ah iyo mid ka mid ah madaxdhaqameedka beelaha Somaliland oo metelayay xukuumadda Somaliland. Wada hadalkaas ayaan la garanayn wax natiijo ah oo ka soo baxday, waxase ay wararku sheegayaan in madaxdhaqameedkii ka socday dhinaca xukuumadda uu tallo kula soo noqday dawladda, una soo bandhigay waxyaabihii ay ku wada hadleen Dr. Cali iyo Garaad Jaamac iyo xubno kale oo la socday.
Garaad Jaamac ayaa markii ay ergayga metealayay dawladda Somaliland Hargeysa ku soo noqday, wuxuu isna gaadhay magaalada Buhodle, isagoo ka tagay Jigjiga, waxaanu ku sii jeedaa magaalada Taleex ee gobalka Sool. Laakiin Dr. Cali Khaliif ayaa kaga hadhay magaalada Jigjiga, lamana oga inuu ka daba tagi doono garaadka iyo in kale. Cali Khaliif ayaa ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka wadanka Somaliya.
Si rasmi ah looma oga in Cali Khaliif ay dhab ka tahay wada hadalka uu Somaliland la bilaabay oo ah kii labaad, iyadoo la ogyahay inuu jiray wada hadal hore oo uu Cali Khaliif si khiyaamo ah uga baxay, ka dib markii uu sameeyay kooxda Khaatumo.