”Ninkii Dagaal ku baaqayow waxaanu ku leenahay annagu dagaal kuma baaqno ee Nabad iyo Wanaagbaanu ku baaqnaa Dalkayaga waxa noo furan oo noo yaalla Faylal badan oo Horumar ah” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

10009729_286623218169745_4469840072322236503_n

Waxaa Illaahay mahadii ah in aan dalkayagii nabad qab illaah nagu keenay, waxaanan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa masuuliyiinta kala duwan iyo bulshada laxaadka leh ee halkan sida diiran noogusoo dhaweeyey weftigayaga wada socday oo mudo labo maalmood ah wada hadal nooga socday dalka Djibouti, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ay wada socdeen, wasiirkii maaliyada ee qolada la baxday khatumo Masuuliyiintan iyadoo oo aanu ka wada hadalnay Danaha innaga dhaxeeya haddii aynu nahay reer Somaliland dhexdeena loona baahan yahay in la wada hadalo oo wax la wada qabsado. Aadbaan Garaadka iyo intii la shaqaysay ugu mahad celinayaa.

Way muuqatay, Qiimaynta ay Somaliland qiimaynayso Garaadka iyo ragiisa sidoo kale waxa ay muujinaysaa sida ay u qiimaynayso Somaliland Arimaha nabad gelyada iyo wada noolaanshaha. iyo sida ay u danaynayso isku duubnida dadkeeda oo nabad ku wada jooga. Waa wax Somaliland caan ku tahay nabad jacaylka iyo is qadarintu. Somaliland iyo shacabkeedu waxa ay dawladnimada ku dhisteen Nabad Jacayl, is qadarin iyo wada nolaansho kumana ay iman is jujuub iyo khasab.

Waxaanan Garaadka kusoo dhaweynaynaa dalkiisii iyo dadkiisii. sidoo kale mudane Cismaan ee ka mid ahaa kooxda Khaatumo waxaan isna leenahay walaal dalkaagii ku soo dhawoow.

Qolada Puntland ee ka hadlaysay deegaamada Somaliland. Waxa ay uga hadleen si afxumo badani ka muuqato! Waxaanu leenahay annagu ma caytanno. Waxa la yidhi Af-xumo nabad wey kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto, “siseesaba afxumo siyaasad maaha” Dadka reer Somaliland waa dadkaasi dareenkoodu ku muujinayay nabad jacaylooda iyo sida ay tixgelinta isugu hayaan. Waxa ay kala tabanayaan iyo wixii u dhaxeeyaana waa wax reer Somaliland u dhaxeeya.

Maamulkaasi Garoowe waxaan u sheegayaa in aanay dadku maanta dhalan, taariikhduna aanay maanta dhalanayn. Somaliland waxa ay ahayd mid la yaqaano oo leh xuduudihii la yaqaanay ee caalamiga ahaa ee uu ka tagay Gumaystuhu ee la odhan jiray Somaliland Protectorate, Soomaaliyana gaar bay ahayd oo waa la yaqaanay. Xilligii ay Soomaaliya iyo Somaliland isku darsadeen waa la ogaa, cariga Somaliland waxaa loo yaqaanay waqooyi, inta kalena waxaa laysku odhan jiray koonfur, markaa haddii ay Somaliland madax banaanideedii la soo noqotay oo ay dadkeedii tashadeena dalkii Somaliland iyo dadkiisii toona waxba iskama ay badalin. wixii na dhex yaalla ee aanu isku garan wayno ee khilaaf ah annaga ayaa maamulanayna. Somaliland waa lagu yaqaanaa in ay woxooda ku dhammaystaan nabad-gelyo iyo is faham wada hadal ku yimaadda. Maamulkaasi waxaanu leenahay waar fadqalallada ka daaya, fidnada ka daaya. Dagaalka aad ku baaqaysaan ka daaya. Kuma degdegno dagaalka oo ma doonno namase mahadiyo ninkii dagaal noogu baaqaa. Waxaan Jecelahay Nabad waxaan jecelahay jaarnimo iyo wada noolaansho nabad iyo qadarin leh. Dadka reer Sool ee ay ku hanjabayaan ee u bu’ayaan waxaan leenahay waar waa dad reer Somaliland ah dalkuna waa dal Somaliland ah.

Waxaa haboonayd in aanay maamulka Garoowe naftooda been u sheegin oo aanay sheegan wax aanay awoodin, in aanay dadkooda been u sheegin oo aanu kaanbayn ka dhigan dagaal baan ku qaadayaa Somaliland “you are playing with fire” dunidana been u sheegin, kuna koobnaadaan xuduudooda iyo shaqada badan ee u taala.

Somaliland dunidu way taqaanaaCaado nooma aha jujuub iyo Afduub, waxa aanu hore u wada hadalay ururkii hubaysnaa ee SSC oo wasiirka caafimaadka ee maantu ahaa Hogaamiyaheedii heshiisna aanu ku gaadhnay, sidoo kale waxaanu wada hadalay oo Somaliland heshiis la gashay Khaatumo qolyo ka mid ahaa oo ay ka mid ahaayeen 600-dii Boqol ee ciidamo ahaa ee ciidanka lagu wareejiyey iyo Garaadkii hogaaminayay Cuqaasha ee ahaa Garaadkii Beesha Naaleeye Axmed oo ka mid ahaa Garaadada waaweyn ee Ugaadhyahan. Sidoo kale Somaliland waxa ay wada hadal la gashay Kooxdii la baxay Awdal State ee mudada ku shaqaynayay intaaba is faham aan khasab iyo jujuub ahayn ayay Somaliland ku wada tashatay oo isku fahmeen mid la mid ahna Garaadka iyo Tiimka la socda ayaanu isku fahannay.

Ninkii Dagaal ku baaqayow waxaanu ku leenahay annagu dagaal kuma baaqno ee Nabad iyo Wanaagbaanu ku baaqnaa Dalkayaga waxa noo furan oo noo yaalla Faylal badan oo Horumar ah cid waliba way arkaysaa waxa aanu horumar wadno. Haddii aanu nahay dad dagaal doonaya hantidayada waxaanu siisan lahayn Hub oo dagaalbaanu u diyaar garoobi lahayn laakiin waxaan ku kalsoonahay dadkayaga iyo ciidankayaga. Nabadda ha la ilaaliyo oo yaan lagu xad gudbin xuduudahayaga Somaliland.

Warkaa waxa aanu ka qaadanay Wasiirka boga uu ku leeyahay mareegta Facebuuga.

Salaanmedia/Hargaysa