Shirweyinihii Xisbiga KULMIYE Oo Wali Laalan Iyo Xasan Gaafaadhi Oo Rabitaankiisa Shaaca Ka Qaaday

Shirweyinihii Xisbiga KULMIYE Oo Wali Laalan Iyo Xasan Gaafaadhi Oo Rabitaankiisa Shaaca Ka Qaaday

Gafaadhi

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.19.2014-Iyadoo la Filayo in dhawaan la qabto Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE,ayaa waxaa maanta Si rasmi ah hankiisa Siyaasadeed u shaaciyay Guddoomiyihii Ururkii hadhay ee RAYS.Xasan.Gaafaadhi.

Xasan Gaafadhi waxa uu si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu.u.taagan.yahay Guddoomiye.Ku.xigeenka.Koowaad.ee.Xisbiga.KULMIYE.

Xasan Gaafaadhi ayaa la filayay maal-mahanba in uu hankiisa musharaxnimo shaaciyo,waxaanu taasi soo gaba-gabeeyay maanta oo uu shaaca ka qaaday in uu yahay Musharax.

Xasan Gaafaadhi ayaa la filayaa in uu calafkiisa qaado, sidoo kale Hogaanka Xisbiga KULMIYE ayaan ku farxi doonin Musharaxnimada uu Xasan Gaafaadhi shaaca ka qaaday.