Waa Sidee Xaalada Dagmada Taleex Kadib Qabsashadii Ciidanka Qaranka Somaliland

Waa Sidee Xaalada Dagmada Taleex Kadib Qabsashadii Ciidanka Qaranka Somaliland

TALEEX 1

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.16.2104-Xaalada guud ee Dagmada Taleex ee ka tirsan Gobalka Sool ayaa saaka dagan kadib markii ay maalintii shalay ahayd ciidmada qaranka Somaliland ay si nabad ah ula wareegeen gacan ku haynta Magaaladaasi. Wararka Shabakada Caalamiga ah ee Salaanmedia.com ay ka helayso Magaalada Taleex ayaa sheegaya in ciidamada qaranka somaliland aanay gudaha ugalin magaalada balse ay isku balaadhiyeen goobah muhimka ah ee agagaarka magaalada Taleex. Dhinaca kale Shacbiga ku dhaqan Magaalada oo iyaguna sida oo kale cabsi xooga ka muujinaayey in kooxihii meesha laga saaray ay weero soo qaadan kadibna a labada ciidan ay ishor imaad ka sameeyaan gudaha magaalada ayaa hada ka dareen wanaagsan ka muujiyey qaabka ay ciidamada qaranka somaliland ay gaar uga baxeen Gudaha Magaalada waxaana hada ay dib u bilaabeen in dib oo furo gabi ahaanba goobihii adeegyada Ganacsiga oo hada si rasmi ah u shaqaynaya