Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo xalay weeraray Magaalada Kismaayo

alshabab344

Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar dagaal ah ku qaadeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose, halkaasi oo uu weli ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad uculus, ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho ah iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ee Jubba ee fadhigooda uu yahay Kismaayo.

Xaafada Via Afmadoow ayeey dagaalka kusoo qaadeen Al-Shabaab,waxaana halkaasi fariisin ku leh ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo ay goobtaasi la joogay ciidamo Maamulka Jubba ka tirsan oo dagaalkii xalay qeyb ka ahaa.

Labo saraakiil oo ciidanka Maamulka KMG Jubba ka tirsan ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, halka ay jiraan khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray ciidamada Maamulka KMG ee Jubba, markii dagaalka sikadis ah ciidamada loogu qaaday.

Habeenadaan dambe Al-Shabaab waxa ay joogteeyeen weerarada dagaalka ah ee ay ku qaadayaan xaafada Via Afmadoow ee Magaalada Kismaayo, waxaana ay doonayaan inay dagaaladaasi ku qal-qalgeliyaan wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee Magaalada Kismaayo jooga.

Saraakiisha maamulka Jubba weli kama aysan hadlin dagaalka xalay Al-Shabaab ay kusoo qaadeen magaalada Kismaayo, oo la sheegay in lagu dilay labo kamid ah saraakiisha ciidanka Jubba ee Kismaayo.

Kismaayo shalay waxaa lagu dilay labo ruux oo kamid ahaa dadka ku nool Magaalada Kismaayo, waxaana dadkaasi lagu sheegay inay ahaayeen arday, rag hubaysan ay dileen.

Salaanmedia/Mogdisho