Wariye Yaasiin Xaaji Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday Magaalada London

NEWS N

Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada London ee cariga Britain ku geeriyooday Suxufigii weynaa ee Soomaaliyeed Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, oo muddooyinka ku xanuunsanaayay Magaaladaasi.

Geerida naxdinta leh ee ku timid Suxufiga rugcadaaga ah, ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijisa eheladiisa, lagana arrinsan doono goobtii lagu aasi lahaa marxuumka.

Cabdi Xaaji Gobdoon oo horey u soo noqday Agaasimihii Radio Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Yaasiin Xaaji Ismaaciil uu ka mid ahaa, Suxufiyiintii ugu waaweyneyd ee dalka soo mara.

Cabdi Xaaji Gobdoon oo ka waramaayay taariikhda Suxufigaan, ayaa sheegay in 1967-kii uu ku soo biiray Radio Muqdisho, uuna ka ahaa Barnaamij soo saare.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu mar noqday Wasiirkii Warfaafinta ee Dowladdii Dhexe ee Kacaanka, iyadoo sidoo kalana uu soo noqday Wariyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo Deegaan ahaan ka soo jeedo Somaliland, ayaa wuxuu ka mid ahaa Suxufiyiintii waaweyneyd ee erey bixinta ku caanka baxday, wuxuuna Saxaafada Soomaalida uu ku soo biiriyay ereyo aan horey loo adeegsan jirin.

Madaxweynaha Xukuumada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa tacsi waxa uu u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Wariye Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde.

Salaanmedia/Mogdisho