Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Oo Diyaarad Khaas Ah Looga Soo Direy Dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Oo Diyaarad Khaas Ah Looga Soo Direy Dalka Itoobiya.

Biixi Yoonis

Hargeysa(Salaanmedia.com) Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md.Maxamed Biixi Yoonis yaa galabta u kicitimay Dalka Itoobiya, isaga oo madaarka hargeysa ka raacay diyaarad khaas ah oo looga soo diray Magaalada Addis Abba, lama oga ujeedada rasmiga ah ee safarka wasiirka hase yeeshe sida ilowareedyo Dublamaasiyadeed sheegayaan waxa uu la xidhiidha wadahadalo dhinacyo badan taabanaya oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya., kuwaas oo baryahan taagnaa.
Sidoo kale waxa la filayaa wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland in uu kulamo la yeelan doono Dublamaasiyiin ku sugan caasimada Itoobiya ee Addisa ababa.