Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Oo Soo Saaray Amaro Lagu Dhaqan Galinayo Habraac Lagu Dhaqayo Dhoofinta Xoolaha Iyo Maxjarada

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Oo Soo Saaray Amaro Lagu Dhaqan Galinayo Habraac Lagu Dhaqayo Dhoofinta Xoolaha Iyo Maxjarada

Dr cabdi

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Wasiir Cabdi Awdaahir Cali ayaa soo saaray Amaro lagu dhaqan galinayo habraac lagu dhaqayo Dhoofinta Xoolaha iyo Maxjarada
Qoraal wasiirku soo saaaray ayaa lagu faahfaahiyey Habka lagu xaqiijinayo Caafimaadka xoolaha ka dib dhawaan oo dhawr kun oo Geela laga soo celiyey Sucuudiga kuwaasi oo Cudurka Buruseella laga helay. Qoraalka wasiirku wuxuu u dhignaa sidan:-
Ku : Maamulaha Maxjarka (Saudi-Emirate) 5.04.2014
KU: Maamulaha maxjarka ( Berbeara National)
Ku: Dhakhtarka xoolaha ee Dekada berbera
Ku: Guddoomiyaha Goblka Saaxil
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Ujeeddo: HABRAAC IYO AWAAMIIR LAGU DHAQAAYO SHAQADA MAXJARADA iyo XOOLO-DHOOFINTA
-Anigoo siinaaya muhiimadda ay u leeyihiin xooluhu dhaqaalaha iyo nolosha qoyska, daka iyo dalka Somaliland
-Markaan xogo muhiim ah ka helay dhammaan dhinacyada ay saamayso ee la xidhiidha caafimaadinta, iyo dhoofinta xoolaha nool
-Anigoo ka duulaaya baahida loo qabo in la dhoofiyo xoolo la xaqiijiyay caafimaadkooda, oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa dalka loo dhoofinaayo
-Markaan la tashaday dhamaan dhinacyada ay saamayso aqoonta xoolaha iyo dhoofka xooluhu
-Anigoo cuskanaaya Xeerka Qaranka ee Xanaanada Xoolaha( Xeer Lr.34/2006),
Qodobkiisa 4.1.1 xarafyadiisa 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad
Qodobkiisa 4.2.1 xarafyadiisa 1aad, 2aad, 3aad iyo 9aad
Qodobkiisa 6.6.1 xarafkiisa 2aad
Waxaan soo saaray HABRAAC RASMI ah oo lagu dhaqaayo hawlaha maxjarka iyo dhoofintooda ,waana sidan:
1. Waa in dhammaan xoolaha la dhoofinaayo lagu hayo maxjarka muddadii loogu talogalay si ay u buuxiyaan shuruudihii caafimaad ee loo asteeyay.
2. Waa in geela dhiigga laga qaadaa laba jeer , marka uu soo galo iyo ka dib marka la raraayo muddo 3 bilood ah. baadhista labaad wa muhiim waxay soo saaraysaa brucella Huursan (in an incubation Perid).
3. Xoolaha shirkad ama qof gaar ah leeyahay oo intaan la dhoofin boqoleyda% laga helo brucella ay badantahay marka kowaad waa in il gaar ah lagu hayo si baadhista labaad taxadir dheeraad ah loo siiyo, si wadareedna loo baadho. Waxaynu kuwa ay ka badan tahay (>4%) siinaynaa calaamad CASAAN , kuwa dhexe (2%-4%)siinaynaa BULUUG, kuwa ka yar (<2%) siinaynaa DOOGO 4. Baadhitaanka geela waxa maxjar walba u xilsaarayaa ugu yaraan 2 dhakhtar oo gaar ah oo lagala xisaabtamo (A) Magacyada Geel-baadhayaasha Saudi-Emirate Quarentine waa: (1) Feyr Muuse Maxamed (2) Axmed MaxamedCali (B) Magacyada geel-baaddhayaasha Berbera NationL Waa: (1) Maxamed Siyaad (2) Daauud Ismaaciil nuur 5. Waxaa maxjarka ku waajib ah in uu xaqiijiyo in inta u dhaxaysa maxjarka iyo dekkedda aanay xoolihii la baadhay xoola kale ugu khaldamin intay dariiqa ku sii jiraan. Waa in maxjarku cid mucayin ah u qoondeeyaa hawshaas magacyadoodana u soo gudbiyaa wasaaraadda xanaanada xoolaha. 6. Waa in ganacsadaha xooluhu ka feejignaado in xoola lagu reebay brucela uu soo siiyo dawooyin si ku meel gaadh ah u khal-khalin karta badhista dhiiga , kaddibna uu isugu dayo in uu dib ugu soo xareeyo maxjarada. Hadday dhacdo wuxuu laga qaadayaa talaabadii ku habooneyd . 7. Waa in ay maxjaradu xaqiijiyaan in calaamadda lagu dhigay neefka brucella ee la baadhay aanay ka baabi’n oo noqon karta dalool dhageed ama midab aan la tirtiri Karin muddo 3 bilood ah ugu yaraan. 8. Waa in geela iyo Lo’da lagu dhejiyaa (EAR TAG) weyn si loogu qori karo calaamada muujinaysa in la baadhay. 9. Labada maxjar waxay yeelanayaan 2-3 dhakhtar oo u qaabilsan dib u eegista dhamaan dhiiga ku saabsan brucella (monitoring Doctors) kuwaas oo keliya ayaa lagala xisaabtamayaa wixii farsmo ee dhaktarnimo ee ku saabsan brucella. Waxaanay kala yihiin: () Berbera Animal National Quarentine (1) Ayman xaydari (2) maxamed kamala () Saudi-Emirate quarantine (1)Dr. Kheyre (2) Dr. Axmed Haji (3) Ahmed Elgayaab 10. Waa in Maxjaradu is waafajiyo xoolaha dhoofaaya lambaradooda iyo dhakhtarka baadhaha ah. Si hadhow loo garto dhakhtarka baadhey xoolaha haddii laba soo celiyo , ama si kaleba loogu baahdo. 11. In geela dhiiga laga helay cudurka ee la saaray dib loo hubiyo inta aanu markabku dhoofin . geelaasu kama bixi karaan xeradii gaarka aheyd ee maxjarka loogu talogalay ila inta ay xooluhu dhofiyaan. 12. Geela loo soocay brucella positive waxaa xaqiijinaaya in dhammaan xeradii xoolaha laga saaray isla marka la calaamadiyo, lana geeyay xeradii loogu talagalay oo lagu xidho quful laguna ilaaliyo. ) Cabdulle: Berbera National Quarentine ) Waliid: Saudi Emirate Quarentine 13. Waxaa lagu amrayaa maxjararada in ay xaqiijiyaan in dhamaan qalabka, dawooyinka( reagents) sheybaadhka ,iyo talaaladu ay buuxiyaan halbeega tayo wanaag ee looga baahnaa. Dhaktarka dekedu waa in u si joogta ah ugala socdaa hawshaas madaxa sheybaadhka maxjarka. Wasiirkana u soo gudbiyaa warbixin toddabaadle 14. Waa in maxjaradu wixii macluumaad ah ee markabka dhoofay ku saabsan marka xoolaha laga dejiyo ay isla markiiba la socodsiiyo wasaaradda. Xaaladaahaa waxaa ka mid ah miqyaaska brucelada laga helay xoolaha intay leegtahay, in xoolihii maxjar lagu xereeyay iyo in toos loo sii daayay. Waxay ina siinaysaa xaalada feejignaaneed oo dheeraad ah (alert status). 15. Waa in dhaktarka xoolaha ee dekedda iyo maamulada maxjaradu ee markaa ay saamayso ay wada buuxiyaan , wadana saxeexaan foomka halkan ku lifaaqan oo koobaaya dhammaan shixnad kasta oo xoolo oo dhoofaaya dal kasta. 16. Dhakhtarka xoolaha ee dekadu wuxuu u soo dirayaa nuqul saxeexan (hard copy) oo foomkaku xusan qodobka 15aad wasiirka marka markabka xoolaha la saaro kuna soo hagajinayaa xafiiska xoghaynta wasiirka Tel. no 0634240082 . Hase yeeshee waa in nuqul (soft Copy) oo ku saabsan baadhista kowaad ee brucella ee geela loo soo diraa wasiirka xanaanada xoolaha ka hor intaan la rarin xoolaha, iyadoo lagu soo hagaajinaayo e-mail molharg2@hotmail.com. Wasiirku wuxuu xaqiijinayaa in hawshii si fiican loo fuliyay amaba wax ka bedel talo ayuu soo jeedinayaa. 17. Wasiirku wuxuu magacaabaya guddi wasaarada xanaanada xoolaha ka tirsan oo dusha ka ilaaliya fulinta qodobadan. Wasiirkana kala talisa talabooyinka la qaadi kayo haddii loo baahdo. 18. Maamulka sare ee maxjaradu waxaa ku waajib ah in ay saxeexeen goaamadan , iyo fulinta ku dhaqankooda. 19. Haddii ay maxjaradu Fulin waayaan qodobada habraacacan waxaa laga qaadayaa talaabadii ku habooneyd , iyadoo loo raacaayo xeerka xanaanada xoolaha. 20. Wasiirku qodob ama qodobo ka mid ah Habraacann, iyo Hagayaashan wuu beddeli karaa , ka saari karaa, ama qodobbo cusub ku kordhin karaa hadba sidii loogu baahdo 21. Habraacan rasmiga ah ee kor ku xusan waxaan awood u siiyay fulintiisa dhakhtarka Caafimaadka xoolaha ee Dekedda. Waxaana lafarayaa in uu sidooda u fuliyo. 22. Habraacanu wuxuu dhaqan gelayaa marka u saxeexo wasiirku. Dr. Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka xanaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland