Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Oo Qoraal Lagaga Madnuucayo Madaxtooyada Loo Dhiibay Ciidamada Ilaalada iyo Intooda Badan oo Aan Horjoogsan Albaabka Qasriga

Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Oo Qoraal Lagaga Madnuucayo Madaxtooyada Loo Dhiibay Ciidamada Ilaalada iyo Intooda Badan oo Aan Horjoogsan Albaabka Qasriga

Siciid cilmi

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Shan Xildhibaan oo katirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, oo isugu jira Xisbiga Xaakimka Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa, la sheegay in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada loo Dhiibay qoraal ay ku qoran Magacyadooda iyo Amar lagu farayo in aanay kusoo gali karin kadinka Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.
Xildhibaanadan Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland ee qoraalka amarka ah loogu wargaliyay Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Somaliland, in aanay gali karin Xarunta Qasriga Madaxtooyada ayaa, waxa kamid ah Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo katirsan Xisbiga Kulmiye,Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), oo isaguna katirsan Xisbiga Kulmiye, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo hore uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye haseyeeshee, hada kamid ah Xildhibaanada ugu mayalka adag Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo isaguna
kamid ah Xubnaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo isaguna kamid ah Xubnaha ugu mucaaridada adag ee katirsan Xubnaha Wakiilada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Xildhibaanadan oo intooda badani aanay horjoogsan kadin Madaxtooyada ayaa, lagu soo rogay amarkan ilaa iyo hadana lamana garanyo sababta Qoraalkan loogu dhiibay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, inkastoo ay Xubnaha Golaha Wakiilada ee katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye had iyo jeer gaalaa baxaan Xarunta Qasriga Madaxtooyada hadana, majiraan sida ay wararka Xarunta kasoo gaadhaya Hadhwanaagnews xaqiijiyeen in ay kala soo baxaan Madaxtooyada Somaliland Xildhibaanada Gaalaa baxaa wax istijaaha oo la taaban karo oo sidaa u buuran ama lamid ah kuwii ay kala soo noqon jireen Xubnaha Baarlamaanku Maamuladii hore ee ka horeeyay Madexweyne Siilaanyo, waxaana lagu sheegaa in aanay dhaafsaneyn arimaha ay ugalaan had iyo jeer Balamo, Soo noqnoqosho ah iyo arimo aan dhaafsaneyn Xaal mastuur soke inkastoo ay jiraan Xubno miisaan badan ku leh oo ka qaata Xarunta Madaxtooyada Mashaariic dhinaca Qandaraasyada ah, Sida Xildhibaan Cali Mareexaan oo kale.

Xildhibaanada la tuhunsan yahey in qoraalkan joojinta Madaxtooyada loogu soo gabanayo ayaa, aad loo hadalhayaa in lagu tuhunsan yahey, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo la Sheegay in ay had iyo jeer meel adag iska taagaan Qodobada ay Xukuumadu wadato ee la horkeeno Golaha Wakiilada hortooda, sidaa daraadeedna aanay wakhtigan ka muuqanin baahi ay iyagu si shakhsi ah ugu qabaan in ay la kulmaan Madexweynaha iyo inta awooda la qeybsata laakiin ay talaabadani ka timid ficil cakis ah oo ay layimaadeen Xildhibaanadii Xukuumada daacada u ahaa ee ay dacrata adag leefsiiyeen Sida Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere iyo rag kale..