Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ayaa Bilaabay Dhismaha Maxkamadda Degmada Cadaadley Oo Hore Gudoomiye Cirro U Dhagaxdhigay.

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ayaa Bilaabay Dhismaha Maxkamadda Degmada Cadaadley Oo Hore Gudoomiye Cirro U Dhagaxdhigay.

 

Cadaadlay()- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ayaa Wax-qabad dhisme ah ka bilaabay Degmada Cadaadlay ee Gobolka Marood-jeex, iyada oo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo xoghayaha xanaanada xoolaha Md. Xasan Axmed Muuse (Goodaad) uu shalay socdaal ku tagay degmada cadaadley  halkaasna uu ka bilaabmay dhismaha maxkamadda degmada cadaadley oo qabyo ahayd muddo dheer.

Masuuliyiintan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa Saaka Guddi ku hadlayey afka Degmada Cadaadley ku wareejiyey gebi ahaanba agabkii dhismaha Xarunta Maxkamada Degmada, kaasoo ahaa dhamaystirkii dhsimaha Maxkmada Magaalada Cadaadlay.

Hawshan ayaa sida masuuliyiinta Xisbiga ee Socdaalka ku tegay Magaalada Cadaadley sheegeen, waxa ay ahayd fulintii balan-qaad uu hore u sameeyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) horaantii Sanadkan mar uu Socdaal ku tegay Deegaankaas.

Xoghayaha Xanaanada Xoolaha WADDANI Md. Xasan Axmed Muuse (Xasan-Goodaad) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in qorshahani qeyb ka yahay istiraajiyad ay Xisbi ahaan kaga qeyb qaadanayo wax-ka-qabashada adeegyada aasaasiga  ah ee bulsho-weynta Somaliland, waxana uu Xukuumada ugu baaqay inay si masuuliyad iyo xilkasnimo leh dadka wax  ugu qabtaan, kana daayaan balan-qaadada beenta ah iyo Dhagxaanta meelaha la dhig-dhigaayo maadaama aan la fulinayn wixii ay bulshada ugu balan-qaadeen “Gudoomiyaha Xisbiga WADANI, ayaa balan-qaaday inuu dhamaystiro Maxkamada oo ay qaybtii hore bulshadu dhisatay, Sidaa darted Safar deg-deg ah oo uu ku baxay aawadii ayuu iigu sii Wakiishay in aan bulshada gaadhsiiyo wax-qabadkii aanu ugu balan-qaadnay, sidaa ayaanu ku keenay alaabtii, Shaqadiina aanu ku bilownay, haatana ay ku socotaa”.  Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADANI, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, “..Xukuumad  ma nihin ee   waxaanu nahay Xisbi Mucaarid ah, dhaqaalihii dalkana Xukuumadaa haysa, Anagu taageerayaasha Xisbiga iyo Masuuliyiinta Xisbigu waxay iska ururiyaan ayaanu bulshada wixii aanu kari karno ugu qabanaa,  wixii aanu balan-qaadnana sidiisa ayaanu u fulinaa ”.

Dhinaca kale Cabdi Caydiid Cigaal oo ku hadlayey afka Odayaasha Degmada Cadaadlay, ayaa isaguna Xisbiga WADANI ku bogaadiyey ugana mahad-naqay doorka uu ka qaatay wax-tarka Degmada Cadaadley. Sidaas ayaanay uga gudoomeen Deeqdii uu fidiyey XIsbiga WADDANI, hawshii dhismaha Maxkamaduna ku bilaabantay.

Geesta kale, waxa booqashadan Xisbiga WADDANI ee Deegaanka Cadaadlay barbar socday Wefti uu hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyadu oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Arimaha Gudaha, Beeraha, Wasiiru-dawlaha Waxbarashada iyo Wasiir-ku-xigeenada Ganacsiga iyo Warfaafinta, xubnaha Weftiga oo Weftiga oo markii ay Deegaanka gaadheen dadweynaha kala hadlay goob fagaare ah, ayaa u muuqday kuwo aan la shir-tegin barnaamij wax-qabad oo la taaban karo, inkastoo Socdaalka Weftigu u muuqday olole Siyaasadeed, hadana waxa Xubnaha Wasiiradu ka war-wareegeen jawaabaha tabashooyinkii bulshada Deegaanku usoo bandhigeen.

Waxa kale oo Weftigu jaanta soo mariyeen Dawga Jarato iyo Dugsigii caanka ahaa ee ‘Cadaadley Baoding School’, Dugsigaas oo aad u dayacan, welina ka sii muuqdo raadkii Kacaankii 21-kii Octoober ee Soomaaliya.

1 2 3 4 4