Xukuumada Oo Ku Fashilantay In Ay Mishiino Waaweyn Keento Warshada Korontada Dawlada

Xukuumada Oo Ku Fashilantay In Ay Mishiino Waaweyn Keento Warshada Korontada Dawlada

MIISHIINOP CUS

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.162014-Wakaalada korontada caasimada Hargeysa ayaa todobaadyadii u dambeeyay adeegii Laydhka ee ay siin jirtay qayb badan oo ka mid ah Hargeysa ay cilado farsamo darteed u fadhiiisteen mishiinadii dabka laga dhalinayey Warshada Laydhka Hargeysa ayaa tan iyo muddadii saddexda sanno iyo dheeraadka ahayd ee xukuumada Kulmiye xilka haysay, waxa iska badalay saddex maareeye, taas oo aakhirkii guddi loo xilsaaray ay imtixaan ku soo xuleen maaareeyaha hada xilka Wakaalda korontada masuulka ah, isla markaana qorshuhu ahaa in mishiino cusub oo tayo leh la keeno warshada, si caasimada ay u hesho qaybnaha warshadani adeega dabka siisaa dab ku filan.

Sida ay ilo wareedyadu lagu kalsoon yahay tibaaxayaan waxaa walaac weyn laga muujinayaa in warshadaaasi laydhka caaasimadu labadaasi mishiin ee yaryar ee muddada yare ee kooban loogu talo galay ay fadhistaan marka mudadaasi dhamaato iyadoon mishiino tayo leh la keenin.

Salaanmedia/Hargaysa