Xukuumada Oo Shaacisay Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ku Xidhan Ingiriiska, Kana Hadashay Qorshahooda Danyarta Degan State-House-ka

Xukuumada Oo Shaacisay Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ku Xidhan Ingiriiska, Kana Hadashay Qorshahooda Danyarta Degan State-House-ka

XUKUUMADA

London, 19 April 2014 (Salaanmedia.com)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in dawlada Ingiriiska iyo safaaradaha Yurub oo dhan ay ka wadahadleen sidii loo soo celin lahaa dadka u dhashay dalka Somaliland ee ku tabaalaysan waddankas Uk, isla markaana dawlada ayaa faahfaahin ka bixisay qorshe ay doonayso inay ku rarto dadka degan xaafada State-house-ka ee magaalada Hargeysa. Wasiirka Wasaaradda dib-u-dajinta iyo sama-falka Somaliland Casow, ayaa sheegay inay jiraan dad u dhashay waddanka Somaliland oo ku xidhan xabsiyada Ingiriiska, kaasoo tilmaamay inuu dawlada Ingiriiska kala hadlay sidii loo celin lahaa dadka aan sharciga haysan ee ku tabaalaysan Uk. Wasiirka Wasaaradda dib-u-dajinta iyo sama-falka Somaliland Axmed Cabdi Kaahin (Casoowe), oo socdaal xilli uu ku joogay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dad ka mid ah bulshada qurba-jooga ah ee u dhashay waddanka Somaliland qaar ka mid ah ku silcayaan xabsiyada xariga Ingiriiska.“Socdaalka aan ku imi Ingiriiska haddii aan ka waramo waxa uu damba socdaa socdaal dawlada Ingiriisku noogu yimaadeen Hargeysa, iyagoo ka hadlaaya dadka halkan ku tabaalaysan ee sharciga waayey ogolna in la soo celiyo. Waxaanu ku nidhi haddii qofkaasi iskii u soo noqonayo ama haddii la soo khasbaayo, haddii uu iskii u soo noqonayo waxaanu idinka dalbanaynaa in qofkaas qoraalkiisa naloo soo gudbiyo, iyadoo naloo soo sheegaayo caaqilkiisa, reerkiisa, gobalka ama degmada ama halka ay degan yihiin, dabadeed aanu waydiino reerkooda in qofkooda la soo qasbayo ama iskii u imanaaya. Haddii ay yidhaahdaan ninkoodu waa mid sharcigii waayey oo iskii u soo noqonaaya, marka aanu taas cadayno, Waxaanu Ingiriiska ka dalbaynaa in la soo cesho,” Ayuu yidhi Wasiirka dib-u-dajinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo Tv-ga qaranka ugu waramayay xarunta uu ku leeyahay Brougham. Wasiirku waxa uu xusay in nuxurka socdaalkiisu yahay in dadkaas la soo celinayo sidii dawlada Ingiriisku ugu samayn lahayd wax qaabad marka lagu soo celiyo Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan maanta u imi dadkaas la soo celinayo dhoofka dhibaato badan ayay u soo mareen, qaarash farabadana wuu ka baxay. Haddii qofka la soo celiyo dhibaatooyin badan ayuu samayn-karraa oo dalkayagii ku abuuri-karaa, markaa in loo sameeyo waxqaabad dadkaasi kaga maarmikaraan dalkii laga soo celiyey. In shaqo loo sameeyo ayaanu halkan u nimid. maaha in lacag-yar oo kaliya la siiyo. Markaa dawlada Ingiriiska waxaanu ka wadahadalnay in dadkaas dib loo celinayo shaqo loo sameeyo, saddexdii billoodna mar la kormeero si loo eego noloshiisa, markaa arrintaas ayaanu ka dalbanay Ingiriiska waanay na ogolaadeen.” Wasiirka dib-u-dajinta oo arrimahaas ka sii hadlaya waxa uu haddalkiisa sii raaciyey. “Waxa Ingiriiska noogu yimid Safaaraddaha Yurub oo dhan. Iyagana waanu ka wadahadalnay arrintaasi, laakiin iyaga waxaanu ku xidhnay inay tagaan dalkii, dawladana is arkaan. Tirada u dhalatay Somaliland waxay sheegeen ilaa boqol qof oo sharci la siin oo waayey,”Ayuu yidhi Wasiirka dib-u-dajinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin. “Waxa jira mid sharci la siiyey oo dambi galay xabsina kujira doonaaya in dalkiisii lagu celiyo. Waxa jira dad sannado suuqa joogay oo doonaaya in dalkiisii lagu celiyo. Waxay noo sheegeen in ilaa sagashaan qof (90 qof), oo u dhashay Somaliland oo jeelka ku jira, una badan dhalinyaro. Marka awaxaanu isla meel dhignay in dadkan loo sameeyo dib-u-dajin iyos haqooyin sidii uu uga maarmilahaa dibaddii, markaa xafiiskayga ayay u soo gudbinayaan oo laan ayaa noo qaabilsan taasaana dabagalaysa. Waxa laygeeyay xabsiga dadka reer Somaliland ku xidhan yihiin nolosha taalana ma jirto meel ay dunida taalo oo nadaafada, cuntada, waxbaraashada, ciyaaraha jimicsiga iyo kubada oo odhan maysid-ba waa jeel. Waana waraystay qof walba waxaanu igu yidhi way taalaa nolol laakiin albaab ayaa nagu xidhan,”Ayuu yidhi Axmed Cabdi Kaahin. Wasiirku Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inuu xabsiga kula kulmay Inan u dhashay magaalo madaxda labaad ee Gobalka Togdheer ee Burco, kaasoo ka hadlay waxyaabaha uu kala kulmay, waxaanu yidhi,“Xabsiga Ingiriiska waxaan kula kulmay inan doonaayey magaalada Burco, dabadeed markii uu sidaas ii eegay ayuu I gartay innaan hay nin Soomaaliyeed. Dabadeed waxa uu igu yidhi yaad tahay. Waxaan ku idhi Wasiirkii dib-u-dajinta Somaliland. Waxa uu igu yidhi laba sanno ayaan doonayey wax igu cesha magaaladaydii Burco, halkan waan nacay oo waan jidhdiiday iyo nolosheedaba, waxaana doonaya in waddankaygii laygu cesho. Markaa waxaan ku idhi ii qora oo lambar wanka iiga dhiga ayaan ku idhi, waxaana ii haysa xog-haynta.” Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay doonayso sidii ay u rarilahayd dadka degan State-house-ka magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi, “State-house-ku waa dhul ballaadhan oo muuqaalkii caasimada ah waana la wada og-yahay. Dadka degan waa dadkii u dhashay dalkan, in dadkan la daadiyana dawlada siyaasaddeeda maaha. Dawlada siyaasadeeda waxa weeye in dadka loo raadiyo wax qaabad oo meel la dejiyo guriyana loo raadiyo, meelana loo dhiso. Ha’yaddahana loo baryatago sidii loogu dhisilahaa caafimaadkoodii iyo iskuuladii wax ku baran lahaayeen.” Wasiirku waxa uu ka hadlay dadka degan goobtaas halka ay ka soo jeedaan, isla markaana waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo mar walba ay maskaxdiisa ku jirto sidii dadkaas loogu samayn lahaa goobihii la dejin lahaa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dadka degan meeshaasi waa saddex iyo toban, wax badana way ku dhex-jiraan. Madaxweynaha Somaliland waxay had iyo jeer taladiisu tahay in dadkaas ficil loo sameeyo. Waxa noo yimid Kuwayd waanu tusnay way ooyeen markay arkeen, markaa way u maqan yihiin iyo dawlado badan oo aanu tusnay. Dawladii hoosena dhulkii waa la diyaar, laakiin dadkii lama daadinayo waana xaaran ee dadku waa dadkii waddanka u dhashay oo marka meel loo dhiso ayaa laga rarayaa.