Xukuumadda Somaliland oo Ansixisay Xeerka Ka Hortaga Argagixisadda iyo Xeerka Waxbarashada Qaranka

Xukuumadda Somaliland oo Ansixisay Xeerka Ka Hortaga Argagixisadda iyo Xeerka Waxbarashada Qaranka.

Ka Hortaga Arga

Hargaysa (Salaanmedia.com)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu gudoominayay Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ansixiyay laba xeer oo kala ah xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisadda iyo xeerka waxbarashada, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeenka oo shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ka dib saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay dhawr qodob oo lagaga hadlay shirkii fadhigii Golaha Wasiirrada ee maanta oo khamiis ah.
“Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu gudoominayay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa Goluhu ku ansixiyay laba xeer oo muhiim ah oo kala ah xeerka ka hor taga iyo la dagaalanka argagixisadda iyo xeerka waxbarashadda qaranka. Labadan xeer markii ahmiyad u leh qaranka markii xubnaha golaha oo dhami ka qeyb qaateen doodiisii, waxa goluhu isku raacay in la ansixiyo,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.
Mr. Dhuxul waxa uu sharaxay ahmiyadda xeerka ka hortaga iyo la dagaalanku argagixisadu u leeyahay dalka, waxaanu yidhi “Xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka waa xeer ahmiyad weyn leh waad otihiin mandaqadda geeska afrika waxa ka taagan meelo badan ayay amni darro ka taagan tahay sidii aynu awlba heeganka ugu jirnay ee aynu uga feejignayn inaynu ka hor tagno wixii dalkeenna khal-khal iyo dib u dhac ku keeni kara ayaa xeerkan muhiimadiisa loo baahday.”
“Xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisadu waa xeerkii aynu amnigeena ku sugaynay ee caalamkuna inagula shaqeynayay, sidaas darteed ayaa loo baahday xeerkan,”ayuu yidhi Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul.
Afhayeenku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale Golaha Wasiirradu isku waafaqeen, isla markaana qalinka ku duugeen xeerka waxbarashadda oo horumarka qaranka hal-beeg u ah.
“Ummad walba horumarkeeda waxa lagu arkaa heerka waxbarashadeedu taagan tahay, xeerka waxbarashadda qaranka waxa soo diyaarisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waxaanu ku wajahan yahay horumarinta tacliinta waddanka. Labadan xeerba waxay u gudbi doonaan Goleyaasha sharci dejinta,”ayuu intaas ku ladhay.
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in shirkii Golaha Wasiirrada warbixin lagaga dhagaystay kulamo dheeraad ah oo uu Wasiirka Khaarajiga iyo xubno kale oo Wasiirro ahi shalay la sii yeesheen Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simonds oo socdaal ku yimid Somaliland.
“Dawladda Kenya waxay si rasmi ah u aqbashay inay Somaliland xafiis danaheeda ka shaqeeya ka furtaan, Nairobi iyaguna (Kenya) ay xafiis kaas la mid ah ka furtaan Hargeysa waa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday, waana tallaabo qarankeena waxtari doonta runtii,”ayuu yidhi Afhayeenku.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis uu maanta u socdaalay dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono masuuliyiinta Itoobiya si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.