Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Uu Saaray Ku Magacaabay Laba Degmo Oo Cusub

Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Uu Saaray Ku Magacaabay Laba Degmo Oo Cusub

madaxweyne siilaanyo

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magacaabay Laba Degmo oo ka kala tirsan Gobolada Sanaag iyo Saraar
Degmooyinkan Cusub oo kala Ah Gudmo Biyo Cas oo Gobolka Sanaag Hoos tagi doonta iyo Ceegaag oo Gobolka Saraar Hoos tagi doonta ayaa ku soo baxay Digreeto uu madaxweynuhu goor dhaweyd ka soo saaray Qasriga Madaxtooyada, taas oo uu ku saxeexna Afhayeenka Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul. Digreetadan oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay hadhwanaagnews ayaa u dhignayd sidan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014 ku magacaabaylaba Degmo oo Cusub
MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

1. In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.
2. In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo