Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaaday Tallaabadii Labaad Ee Uu Ugu Diyaar-garoobayo Olalihiisa Musharaxnimo

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaaday Tallaabadii Labaad Ee Uu Ugu Diyaar-garoobayo Olalihiisa Musharaxnimo

Siilanyo snm

Hargeysa(Salaanmedia.com)May.22.2014-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddooyinkii ugu danbeeyay ay ka dhex guuxaysay rabitaanka in uu mar labaad isu sharaxo Musharaxnimada Dalka ayaa qaaday talaabadii labaad ee Olalahiisa Doorashada.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u qaaday talaabadii Koowaad ee lagu xaqiijinayo Musharaxnimada uu u taagan yahay,taas oo ahayd dhagax dhigii waddada Ceerigaabo,waxaanu haatan qaaday Tallaabadii labaad oo noqotay Magacaabista Degmooyin Cusub.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dareemaya in qabyooyin badani ka jiraan Ballamihii is barkanaa ee uu qaaday Xiligii Olalaha Doorashada
Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay Magacaabay laba Degmo oo Cusub,goobaha labada degmo loo magacaabay ayaa ah goobo ay degan yihiin beelo si weyn uga soo horjeeda Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
Degmooyinka Ceegaag iyo Godmo biyo-cas,ayaa ah deegaano dib u dhac wayni ka muuqdo kana aradan Adeegyada Bulsho ee ay bixiso Xukuumada Siilaanyo.
Tallabadan uu Madaxweyne Siilaanyo iyadoo Hal Sanno u hadhsan yahay uu dagmooyinka u magacaabay,ayaa si toosa u muujinaysa in uu Olole ku jiro,iyadoo la xasuusto in Xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin iyadoo sii dhacaysa ay Magacawaday Gobolo iyo Degmooyin Cusub aanay wax cod ka faa,iidin