MUNAASIBADII 23 AAD EE 18 MAY EE BERLIN IYO WEJI GABAXII WEFTIGII XUKUUMADA

MUNAASIBADII 23 AAD EE 18 MAY EE BERLIN IYO WEJI GABAXII WEFTIGII XUKUUMADA

Baarliinnn

Berlin(Salaanmedia.com)-Maalinta 18 may , waa maalin xusuus iyo qederin ka mudan shacbiweynaha reer somaaliland. Waa maalin ay farxadeeda iyo dabaaldegeeda ay ka mideysan yihiin dhamaan xisbiyada siyaasada ee qarranku. Maney ahayn in ka qayb qaadashadeeda xisbi ga talada dalkan aanu ku aaminey ka riixdo xisbiyadii kale.hase yeeshee waxay la yaab ku noqotey aqoonyahankii qabanqaabinayey xafladii dabaaldega 18 may ee dalka jarmalka, gaar ahaan magaalada berlin, markii ay ka soo daadegeen koox yar oo ka socota xisbiga kulmiye. Waxa weftigani uu qayb ka ahaa wufuud ilaa afar kooxood ah oo u kala baxay wadamada yurub iyo mareykan. Kuwaas oo ka koobnaa koox keliya oo tarax la isla markaa la yaqaan. Si hadaad u eegto intanba haday sameysey xukuumada siilaanyo, run ahaantii waa dedaal weyn. Waxase jibadii iyo hamigii darruuraha cagacageynayey ee aqoonyahanka daadihinayey munaasibadan Berlin uu dhulka mar keliya ku soo dhacay markii ay isha ku dhufan waayeen xisbiyadii qarrankani lahaa oo isku duuban isla markaa ka mideysan debaaldega maalinta qarranimadooda. Taas oo hadii ay dhici lahayd abuuri lahayd jewi farxadooda sii labanlaabi lahaa.hase yeeshee qabanqaabiyayaashii xafladan waxay goobtaa ka bixiyeen shahaadado ay leeyhiin saddexda xisbi qaran kuwaas oo ay ugu tallo galeen markii horeba. waxa kale oo shahaadado la siiyey fanaanadaha Hodan Cumar Dhuule iyo Sahra halgan.Weftigan waxa hogaanka u hayey nin cullus oo qaali ah oo aad ka dhex arkayso daacadnimada iyo masuuliyada hogaamineed. Waxa uu ahaa wasiirka wasaarada beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole. Oo intii dabaaldegu socdey aad dareemeyso sida diblumaasiga ah ee hawlaha u daadihinayo. Arinta ugu weyneyd waxay ahayd maxaa sababey in xukuumadu xisbigeeda oo keliya la soo roorto sidii ay ollole ku jirto ? saameyn intee leeg ayey ku leedahay caqabadaha mar kasta ay kala kulmaan xisbiyada mucaaridku, xukuumadii hawlaha qarankan loo igmadey. Wey iska cadahay in aaney xukuumadu rabin soomaaliland mid ah oo isku duuban. Waxaana taas u daliil ah habdhaqanka khaldan ee ay waayadan la soo baxdey oo mar marka qaar aad is odhaneyso ugumay tallo gelin in qarankani dhisnaado. Marka hogaamiyaha xisbiyada mucaaridka ah la yidhaa magaalada ma tegi kartid, xafladaa kama hadli kartid taasi waxay ka dhigan tahay in xukuumada siilaanyo dafirsan tahay jiritaanka dastuuriga ah ee xisbiyada mucaaradka iyaga oo hada isku ekeeysiiyey nidaamkii shuuciyada ee TOTALYTERIAN xisbiga keli ah wadanka ku amar ku taagleynayey. Maanta xukuumadeenii hab dhaqankeedu sidaas ayuu noqdey waxay gees iska dhigtey dastuurkiii dadkani qaynuunka u ahaa oo maalinba qodob la qaloociyaa. Waxa leyska yeeshey hayadihii sharci dejinta, qarankiina ma jirto laan keliya oo haysata madaxbanaanidii dastuurku siiyey. Waxaas oo dhan arita ka sii wada xun waxay noqoneysaa takoorida lagu hayo xisbiyada mucaaridka ah iyo kalsooni darada xukuumadii dadka dhexdooda ka abuuri lahayd ay mar kasta ku sii kala fogeyneyso. Waa cawo iyo Ayaan in aad dhisto bulsho is jecel. Hadiise ay xukuumadii majaraha haysey kala qoqobto xisbi ilaa beel arintani waxay keeneysaa cawaaqib xun oo riiq dambe leh isla markaa carruurteenu collowdo. Hadaba waxa qurrux badan in shacabku ilaashadan dastuurkooda isla markaa aaney noqon qaar lagu dul socdo ee ay noqdaan qaar sharciga si wada jir ah u wada hoos hadhsada. Ugu dambeyn xukuumada waxan leeyahay labadan xisbi ee mucaaridku gollaha wakiilada wey kaaga cod badan yihiin inta yare e guulwadayaasha kuu noqdey ee mabdaooda gatey mooyaane, waxa kale oo aan gollaha ka madhneyn kuwo xalaal ah oo xisbiga magaciisa dulmiye aad u badashey ka soo baxay waxan aad ku kacaysana aan kugu raacsaneyn. Markaa saddexda xisbi adigu garro waxa aad u tahay madaxweyne, waxa kula gudboon in ugu yaraan munaasibadaha qarranka la arko iyaga oo wadajir u hawlgelaya hadiise aad tidhaahdo idaacad yaaney ka hadlin tv qarranka warkooda yaan laga siii deynin waxa hubanti ah in aaney dawladaadu sii jireyn intaa wax ka dambeeya. Soomalilaand ha noolaato.

allaa mahad leh

WACAYS AXMED MAXAMUUD

BARRE ADDUUNYO

Franfurt Germany

bareadunyo@gmail.com