Wariye Ka Tirsanaa Idaacada Al-Shabaab Oo La Qabtay Oo Maanta Muqdisho Lagu Soo Bandhigay + Sawirro

Wariye Ka Tirsanaa Idaacada Al-Shabaab Oo La Qabtay Oo Maanta Muqdisho Lagu Soo Bandhigay + Sawirro

May 21, 2014 Muqdisho(SM) – Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay nin la sheegay in uu katirsan yahay Al-Shabaab kana shaqeyn jiray Idaacada Al-Andulus oo ku hadasha afka Al-Shabaab.

Ninkan katirsan Al-Shabaab ayaa manta lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho , waxa uuna qirtay in uu katirsanaa Kooxda Al-Shabaab uuna kasoo shaqeeyay Idaacada Al-Andulus oo ah Warbaahinta ay adeegsadaan Al-Sahbaab.

Maxamed Qaasim Axmed ah ninka Shabaab katirsan ee maanta lasoo bandhigay ayaa qirtay in uu kooxdaasi katirsanaa uuna ka qeyb qaatay Dilal iyo qaraxyo dhoor ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaa oo qaarkood lagu dilay Xildhibaano katirsan Dowlada Soomaaliya.

Ninkan qirtay in uu katirsanyahay Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in Nin kale oo isna Shabaab katirsanaa kana soo shaqeeyay Idaacada Andulus Ciidama Nabad Sugida la qabteen balse gaari iska tuuray sidaana ku dhintay , waxa uuna Magcaiisa ku sheegay Farxaan Macalin Maxamuud oo kasoo shaqeeyay Idaacado kuyaala Kismaayo.

Salaanmedia/Moqdisho


Â