GODOBAHA QORMAYA EE TAARIIKHIGA AH IYO ISBADALADA GEESKA AFRIKA KADHICI DOONA.

Habiil

Waxaa maalin walba ku dhacaya shacabka qawmiyada dir iyo siyaasiyiinteeda muqdisho jooga waa wax qoran xadgudubyada aan lala gabanaynin iyo mansabka siyaasadeed ee qawmiyada laga dagaalamaya xilka sare waa wax taariikhda ugu qormaya raga galaya iyo kuwa safka ugu jira godobta maalin walba laga galayo dadkooda,   waxa muhiima oo xisbiga shacabka geeska afrika uu kashaqayn doonaa sidii isbadal loogu samayn lahaa xilibaanada matala qawmiyada dir ee aan wax masuuliyada iskaba saaraynin dhibka haysta shacabkooda iyo xilalaka maalin walba lasiinaayo dadkale ee iyagiina aanay diiraynin, isbadalka ugu weyn waa in lagu sameeyaa xilibaanada aan doorkooda siyaasadeed kasoo bixin firfircoonida laga sugayeyna laga waayey.                                                                                                                                                                  

Waxaa xisbiga abaabulayaa dhammaan deegaanada qawmiyada degto in lawacyi galiyo si ay musharaxiinta qawmiyada codka usiiyaan xiliga doorashada baarlamaanka gaadho si dhamaan deegaanada udhexeeya muqdisho ilaa iyo kismaayo, goobweyn ilaa iyo gedo loo soo doorto dadka deegaanka dagan ee xaqa uleh inay kasoo baxaan waana muhiin qof walba inuu fahmo doorashada 2016 hadii ay deegaanada kadhacayso waa muhiim in lafahmo tuulo iyo degmo iyo magaalooyinka waa weyn dhammaan 6da gobol ee koonfurgalbeed in loo ololeeyo si xaqeena aan udhacsano oo aan laynooga qaadan xilibaanada matalaya deegaanka guud ahaan waan in latusaa ninka dhulka leh ee degan xaqiisa inuu ilaashanayo.                                                                                                                                                                                                        

Gabagabadii waxaan udirayaa farriin gaaban oo muhiim u ah dhammaan qawmiyada dir ee geeska afrika (djiputi=ciise,isaaq,samaroon,gurgure iyo akishe, canfar) somaliland=(isaaq,samaroon,ciise,akishe,gurgure,magaadle,layiile,rayndiinle,reer dood,biyomaal,gaadsan-biyomaal,)kilinka 5aad=(akishe,gurgure,gaatsan,garriire,gurre,isaaq,layiile,magaadle,ciise,samaroon,jaarso, 9ka warawaro oo oromo kujirto,garre quraanyoow iyo tuuf,boorane ali, warday ali iyo baajamaal) dhamaan shacabkaas iyo hagaamiyeyaashooda isbadalada kasocda dalka somaliya inay kasoo qaybgalaan waxaan ku casumaynaa inay yimaadaan muqdisho,kismaayo,hiiraan, shabeelada hoose iyo jubada dhexe intaba si loo dhiciyo deegaanada xaqdarada lagu hayo iyo xaqii guud ee qawmiyada oo gabi ahaanba lagu xad gudbayo maalinkasta.

Gabagabadii waxaan ugu baaqayaa inaa dhacsano xaqeena dalka somaliya gudihiisa iyo geeska afrikaba.      

                                                                                                                                                                                                       

GUDOOMIYAH XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA                                                                                              

   PHILOOPHER; HAABIIL CABDI HAYBE.                                                                                                                                                                                        Â