Waar heedhe wadankan Cardiff ee ina ictiraafay horta halkuu ku yaal?

maqaalDhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama
qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la
isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku
dhamaadee Kaalay oo bal dhegayso.

Dhaqane:Waar heedhe horta wadankan Cardiff ee ina ictiraafay halkuu ku yaal?
Dhaashane:Badow,waxaasaa siyaasi sheeganaya .Waar Cardiff wadan maahee waa
magaallo yar oo Wadanka Ingiriiska ku taal.

Dhaqane:Oo ma xildhibaano deegaan oo xildhibaanada Saba wanaag la mid ah baa
ictiraaf noo waydiiseen hadaa?Iga wala mohamed yoniska wasaaradii dhamayd ee
arimaha debeda NGO ga u bedelayna ka liidateen.Horta miyeydaan fahmin in
xisbigan Labourku markay doorashadu ku soo dhawaato ay kolba tuulo odhanayso
Somaliland baanu ictiraafnay?

Dhaashane:Maadigaagii Cardiff ba wadanka u haystay ayaa ila siyaasadii ingiriiska
nooga sheekaynaya imika?Waar adeerow khayr hele wax aad wax ka garanayso
nooga sheekee.Mida kale, ma is tidhi imika siyaasadii jiirka ayaa bilowdeen hadaa
Waddani tihiin?Ma hadaa Gabooyiina nagu soo istaadheen?

Dhaqane:War heedhe sheekaan kuu hayaa.Waxa la yidhi:Beri baa nin iska ladan oo
waxoogaa lacag ah haysta ayaa wuxuu iskaga taag waayee nin ay saaxiib ahaayeen
oo aan wax lacag ah isagu hayn.Maallin kasta wuu u soo shaxaad tagaa.Khadyaan
buu iska taagay.Maalintii danbuu ku yidhi:Ina mari maanta si fiican baan kuu
casuumayaa.Huteel buu keenay .Wuxuu ku yidhi :Waxaad doonayso dalb oo cun
,qaadkina wuu kuu hadhee meel u banee.Ninkii la casuumay oo is leh ,maanta si
fiican u faro qabso ayaa hilib badan dalbaday.Intuu hilibkii cunayey ayuu ninkii wax
casuumay kacay oo maqalkii uga sii horeeyey.Kuwii maqalka fadhiyey ayuu ku yidhi
:Waar ninkan mallin walba intuu dhergo iska baxa maa iska qabataan?Intuu farta
ku fiiqay ninkii uu ka soo kacay oo weli hilibkii cunaya.Ninkii hilibka cunayeyna
wuxuu u haystaa in fartan loogu soo fiiqayo inaan hadhow la qabsan ee lacagta laga
hayo.Ninkii wax casuumay wuu iska tegay.Ninkii la casuumaybaa intuu deg deg
farihii iskaga biiyey is yidhi gaadh saaxiibkaa qaadkii ha kuu qaadee.Show laba nin
oo xoog waaweyn oo loo sii diyaariyey baa sugaya oo eegaya bal inuu lacagta iska
bixiyo iyo inuu iska baxo.Intay qabteen bay feedh sucuudi ku waaleen.Shaadhkiina
way ka saareen.Saaxiibkii baa soo noqday kiiyoo feedhna lagu waalay ,shaadhkiina
laga saaray.Wuxuu yidhi:Sorry,waan ilaaway inaan show lacagtaadii nimanka
siiyo.Waar waatan lacagtiisiye hooya,shaadhkana soo siiya.Wuxuu yidhi ina keen
qaadkii kuu soo qaadee.Isna wuxuu ugu jawaabay :Adeerow qaadna ha ii qaadine
lafahayga ii nabad geli hadaad ilaahay taqaan.Imika Barkhad wuxuu taaganyey
:Adeerow xilna ha i siininee lafahayguun ii nabad geliya.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji
Sweden