Gudoomiye Cirro Oo Saaka Kormeer Ku Tagay Goobaha Ku Yaala Laascaanood Ee Ay Ka Socoto Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyayaashu+Sawiro12,2017

Gudoomiye Cirro Oo Saaka Kormeer Ku Tagay Goobaha Ku Yaala Laascaanood Ee Ay Ka Socoto Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyayaashu+Sawiro12,2017

IMG_9752
Hargeysa(SM)Ogosto.12,2017-Gudoomiyaha ahna musharaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo waftigii uu hogaaminayey oo wali ku sugan magaalada Laascaanood ayaa saaka soo kormeeray goobaha kala duwan ee ay ka socoto qaybinta kaadhadhka codbixiyayaashu.

IMG_9753
Waxaana gudoomiye Cirro uu midmid u booqday goobahaasi,isaga oo masuuliyiinta goobahaasina ka xaal waraystay qaabka ay u bilaabmatay iyo sida ay saaka bulshadu u qaadanayso kaadhadhka,iyaga taas badalkeedana masuuliyiinta goobahaasi ay warbixin ka siiyeen gudoomiye Cirro qaabka ay saaka u bilaabmatay hawlaha qaybinta kaadadhka codbixiyayaashu.
Gudoomiye Cirro iyo waftigan hogaaminayo ee ku suganAA magaalada Laascaanood ayaa u socdaalaY deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool ee ay saaka ka bilaabmatay qaybinta kaadhka codbixiyayaasha.IMG_9748 IMG_9751 IMG_9752IMG_9754