KULMIYE MAQAAM BILA SHEEKHA OO MURUUD SUUFIYI HOR JOOGO. QALINKI:KH.KAARIYE

KULMIYE MAQAAM BILA SHEEKHA OO MURUUD SUUFIYI HOR JOOGO.
QALINKI:KH.KAARIYE

220px-Smd_kulmiye1-150x147

Maqaam hadaad maqasho wa rug ama Saldhig sheekh iyo xertisu dagan yihin, sheekhasi inta badana wa sheekh caana oo wax loga so joogay karamadiisa lagana barakeysto,sheekhaasi wuxu leyahay xer badan oo Ku nool siyarada lo keeno.xertu sheekha waxay la qaadan digriga iyo qasaa’idka nabi amaanka ah SCW.

Sheekh waxa Ku xidhan dad ka barakeysta oo ka kooban ganacsato, siyaasiyin Xil haya ama aan hayn iyo bulshooyin kale oo iyaguna ka barakeeysta sheekha, dadka sheekha Ku xidhani waxay kenaan lacag,xoolo nool,raashin,maryo iyo jaadka ama jimaaga oo isagu ah daruuri, waxa lakeenayo oo dhan bartaas aya lagu burburiya ama lagu raanbusa, wax yaala cajibka ah waxa ka mida xerasi kama taajirto Sheekha ee wuxuunba la burburinaya hadh iyo habeyn.inta badan dadka sheekha Ku xidhan ee xoola kena abaal marin waxa lo siya ijaasad, dabiib,duco,iyo in lo sakhiro muraadka uu leyahay qofkasi.”subxaanalaah” sheekhu maha nin ciyaara karamooyinkisa waxba looga so joogay taasana sabab u ah in lagu xidhnaado oo laga barakeysto.

Akhristow Warba waka danbeye Sheekhi wuu dhinta iley wa qof bili’aadame ama wu isaga tagaba meesha,dabadeed gacan yarihiisi oo lagu magacaabo muuruudka sheekha aya maamuulki la wareega iley meel dhisan ayey ahayde,dadkii ka barakeysan jiray sheekha ee xoolaha iyo aduunka keeni jirayna wey ogaadan inu Sheekhi dhintey dabadeed wey joojiyan hantidi ay u keeni jiren sheekha.

Mudo ka dib Xeerti aya meeshi Ku raameysata busarad awgeed qaar wabey Ku washan duruufta adag ee so wajahdey, qaarna wey isaga yacan oo dhulka ilahay ayey qabtan kuwu kalana reerahoda gawdhi u so dira oo iyago aan waxba Ku nooleyn oo rameeystay intey u meydhan oo rama ka xiiran ka qaata goobti.

Dulucda iyo ujeedada waxaan uga goleyahay kulmiye sheekhbu laha oo sheekhi wu iska tagey karamadisi iyo qurankisina wu la tagay, ee bal waxan idin weydiyay muruudkan yar ee waliba suufiga ahi hadu karaamo leyahay muxuu maqam u furan wayey maqaamkan sheekha lahaye??? Lakin ma laga yaaba inu Ku raameysto??? Akhristow saxiib Dunida laguma hayo maqaaam laba sheekh leh.

Alla Mahad leh

Qalinki: Khadar kaariye cune