Suldaanka Guud Ee Beesha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Oo Warbaahinta La Hadley Digniina Diray.05.08.17

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Cabdilaahi, ayaa ka hadlay Doorashada
Madaxtooyada ee la filayo in sannadkan ay dhacdo, waxaanu ku taliyey inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi, waxaanu Xisbiyada ugu baaqay inay si nadiif ah ay u tartamaan, anshaxana ay ilaaliyaan.

IMG_6B4BC7-813592-C0CE28-8AB755-642D9D-D39D56

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Cabdilaahi, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sheegay in la xaliyey dagaalkii ka dhacay Deegaanka Gaashamo ee dhaawaca iyo dhimashada keenay, waxaanu sheegay in hawshaasi dhammaatay, imikana deegaankaas ay ka socdaan mashaariic horumarineed, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya dagaalkii ka dhacay Gaashamo

“Markii hore dadku Itoobiyaan ayuu ahaa, dhibtii dhacday si wanaagsan bay u dhammaatay, oo waa la xaliyey,muddana Jigjiga, ayaan ku maqnaa, markaas imika deegaankii horumar baa ka socda, mashaariic horumarineed ayaa ka socda, Ceelal baa laga qoday, wax badan baa laga qabatay, xaaladuna imika waa caadi”.

Suldaanka mar aanu wax ka weydiinay Doorashada ayaa yidhi “Doorasho ayaa inagu soo fool leh, waxaana haddii ALLE ogolaado ay dhici doontaa dabayaaqada sannadkan, wakhti aad u kooban baa inaga xiga, balse dardaarankayga iyo taladaydu waxa weeye si fiican ha loo tartamo, oo Xisbiyadu si fiican ha u tartamaan, oo cadaalada ha la ilaaliyo, oo anshaxa ha la ilaaliyo, oo Xisbiyadu si nadiif ah ha u tartamaan, si Doorasho wacan oo xor iyo xalaal ahi inoogu dhacdo, dadka degan Gobolada Sool iyo Sanaag ee wali kaadhadhka codbixinta aan qaadana si wanaagsan kaadhadhka ha u qaatan” ayuu yidhi

Source:- Geeska