Warmurtiyeed ka soo baxay odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wajahan arrinta murugada leh ee ka muuqatay golaha wakiillada jamhuuriydda Somaliland.

Warsaxafadeed
Jimce.11.08.17(SM)Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Waxaanu ka tiiraanyeysannay  arriinta muranka dhaliysay ee ka qabsoontay golaha wakiillada jamhuuriydda Somaliland taas oo ahayd markii uu xilka guddoonka ka degay guddoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdullahi, khalkhalna la galiyey habsami u socodkii codaynta xidhibaannada golaha wakiillada.

Kuna muransanyihiin labadii xildhibaan ee guddoonka u tartamaayey

Arrintaasi waxay nagu noqotay u qaadan waa,fajac iyo amakaag. Waxaanu kala fahmi waynay in arrintaas in loo badheedhay  iyo in tahay aqoondarro

Waxaa iswaydiin leh marka golaha wakiilldda qaska sidaasi ka dhacay doorashada dalku higsanayaanay sida ay ku dambayn taas oo annu u aragno xilgushada la,aan ay dawladdu ka gaabisay ama ay lug ku leedahay khalkhalgalinta.

Ka dib markii aanu dhinac walba ka eegnay waxaa noo soon baxday qodobbadan;

  1. Cabdiraxman Maxamed Cabdullahi xilka sii hayo inta maxkamaddu go,aanka ka soo saarayso.
  2. In la tixgeliyo codaynta xildhibaannada.
  3. In labada xildhibaan ee xilka guddoonka u tartamaayey ilaashdaan walalnimdooda kana dheeraadan wax kasta xanaf keeni kara.
  4. In la ilaaliyo sharafta dalka.
  5. In nabadgelyada meel looga soo wada jeedo .
  6. In aan doorahsda hakad la gelin.
  7. Lana badiyo Allaah ka cabsiga.