Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Eheladii Ay Ka Baxeen Afar Caruur Ah Oo Maanta Geeriyooday . September 25, 2017 TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Eheladii Ay Ka Baxeen Afar Caruur Ah Oo Maanta Geeriyooday . September 25, 2017
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtii xalay galinkii dambe (24.09.2017) dabkii ka qarxay Xaafadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey kuwaasi oo ahaa afar caruur ahi, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacan tahay. Caruurtaasi oo lagu mgacaabi jiray:

Suhur Maxamed Ismaaciil 13 jir
Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir
Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir
Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Xuseen, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu bedelo.

IMG_4438
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.