DAAWO: Jidka Ceerigaabo Ee Ahaa Dhaxalka Siilaanyo Oo Istaagay Iyo Farriimaha Loo Dirayo Wasiirka Hawlaha Guud..12.10.17

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wadada laamiga ah ee loogu talo galay inay isku xidho Ceerigoobo iyo gobalada Somaliland ee kale oo 360-Km ah ayaan wax shaqo ah laga qaban shantii bilood ee ugu danbeeyay.

Wadada ceerigaabo ayaa magaalada ka soo baxda iyada oo laami ah isla markaasna soo gaadha deegaanka Kalsheekh oo 70-km u jira Ceerigaabo, sida oo kale waxa laami ah 35-km oo ka bilaabma Ina-afmadoobe isla markaasna ku istaaga Xayire, sida uu soo bandhigay tilifishanka Eryal oo xalay baahiyay warbixintan.
Muuqaalka dayaca wadadan uu soo bandhigay tifishanka Eryal ayaa ay ka muuqdaan ku dhawaad 51 koontiinar oo daamur ah kuwaas oo wasiir Xirsi Xaaji Cali uu halkaas geeyay wakhtigii uu xilka hayay oo haatan u muuqda kuwo dayac fara badan ku dhacay oo goobta ay yaalaan lagu ilaabay.
Maareeyihii hore ee haayada wadooyinka Xasan Cali Cismaan oo ka hadlaayay markii daamurkan goobta la soo gaadhsiiyay waxa uu yidhi “wax maanta halkaas taagan daamur gaadhaya 61 koontiinar oo ah 1580 foosto oo daamur ah, waxa badda ku soo jira 129 koontaynar oo kale .”
Xildhibaan Faarax Dheere oo isla goobta kula hadlay tilifishanka Eryal ayaa dhankiisa tibaaxay in wadadu ay u istaagtay dhaqaale la’aan “Waxaan baaq u dirayaa oo aan ka codsanayaa wadamada inaga taageera dhaqaalaha iyo haayadaha inaga caawiya horumarkaba inay wadadan naga taageeraan, waayo dhaqaalahayagu waa uu iska yar yahay, abaar adag ayaa nasoo martay, wadankana waxii soo maray waad ogaydeen.”
Siyaasi Axmed Dheere ayaa dhankiisa wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan ugu baaqay inuu meesha iska qaado oo wadada wax ka qabto”Waxaad moodaa muddo kadib in aan wax la taaban karo laga qaban oo ay wadadu taagantahay markaas waxaanu leenahay saaxiibkay Cali Maxamed Xasan ( Cali mareexaan ) oo aanu in badan soo wada shaqaynay meesha iska qaad.”
Wadada Ceerigaabo ayaa u muuqata mid istaagtay waxii ka danbeeyay markii xilka uu ka degay wasiirkii madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo haayada wadooyinku ay hoos tagi jirtay, haatana wasiirka hawlaha guud oo ay hoos tagto haayada wadooyinku ayaa u muuqda mid wadadaas kaga mashquul arrimo kale.