liiska musuq- maasuqa Qandaraasyadii qabyaalada lagu qaybsaday, taa soo ah nusqaan iyo naaneys xumo kulmiye lagu xusuusan doono

maqaalXukuumada Siilaanyo intii ay hogaanka dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii waxaana meesha ka baxday cadaalad u qaybintii midhihii dawladnimo, waxaa baaba’ay xaq-dhawridii wada-lahaanshihii qaranimo, Waxaana dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii, Hantidii guud iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhan. Kadib markii ay Xukuumada Siilaanyo Xeyndaabkii Baananka Somaliland ku xareeysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeq-bixiya-yaashu dalka ugu deeqaan.

Taasina waxay keentay in maanta S/land ay yeelado shaqsiyaad dhawaan dhalad ah oo ku taajirey naasnuujinta xukuumada mudo kooban. Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dhadhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku ganacsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey. Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo waxwada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka, iidaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Boowe ! Bal ufiirsada oo isweydiiya Qandaraasyadan hoose ee dhinaca ka rarmay sifihii lagu bixiyey iyo muskii iyo miscirirtii ee lagu gufeeyey:

1-Qandaraasyadii Hayada DFIT ku bixisay Mashaariicda Tamarta Qoraxda
2- Qandaraaska Budhcad badeedka oo lacag badan lagu lunsadey oo gacan wadaag irmaan weli ah .
3- Qandaraaska dhismaha Hargeysa Airport oo $ 20 million oo dollar lagu raamsaday oo nin lagu abaal mariyey shirkadana lagu sameystay.
4- Qandaraasyada qalabka Diiwaan gelinta muwaadiniinta- Mucaaridow sidee u aaminaysaan shirkad dawladu wax ku leeday? …. Waa yaab!
5- Qandaraaska Qalabka dib udhiska Wadooyinka dalka
6- Qandaraasyada qalabeynta ciidanka amniga ee qaranka
7- Qandaraaska Passporka wadanka E-passport
8- Qandaraaska Dayactirka Haamaha Shidaalka ee Berbera
9- Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Dekeda Berbera
10-Qandaraaska Qalabeynta dhismaha iyo Gaadiidka Madaxtooyada
11- Qandaraaska baahiyaha Shirkadaha Shidaalka iyo macdanta ka baadha JSL.
12- Qandaraaska Qalabka iyo Gaadiidka shirkadaha Shidaalka Baadha
13- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada Bari
14- Qandaraaska soo iibinta iyo dayac tirka dhamaan Gaadiidka Hayadaha Dawlada
15- Qandaraaska Qalabka Komishan qaranka iyo kirada Gaadiidkooda

16- Qandaraaska dhamaan qalabka xafiisyada ee Hayadaha Dawalada

17- Qandaraaska cashuurta wado marista ( Road Tax )

18- Qandaraaska ( Public Finance management system oo 7 million lagu qaatay)

19- Qamdaraaska Parking ka Airporka Hargeisa

20- Qandaraaska Securitiga Airport ka Hargeisa

21- Qandaraaska dhamaan Saadka Hayadaha Dawlada

22- Qandaraaska dhismaha Xafiisyada Dawlada ( 19 xafiis )

23- Qandaraaska Dhismeyaasha Cisbitaalada JSL .gaar ahaan ka Sanaag iyo Laascanood (9 million project )

24- Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera

25- Qandaraaska sifeynta iyo tayeynta shidaalka Haamaha Berbera

26- Qandaraaska Dhismaha Wershada Hilibka ee Berbera

27- Qandaraaska Tayaynta Baabuurta ka soo degta Dekeda Berbera oo Barlamaanku dirqi ku furdaamiyey.

28- Qandaraaska Laabka lagu baadho Dawooyinka Somaliland ( funded Sweden)

29- Qandaraaska Shifo ee qalabeynta iyo Dayactirka Cisbitaalka Ceerigaabo

30- Qandaraaska Mobilada Gacanta ee dhamaan Madaxda hayadaha Dawlada.

Waxaa mushtamaca reer Somaliland indhahooda ku daalacdeen in 30-kan qandaraas ee sare lagu bixiyey sife baalmarsan sharciga qandaraasyada ee qaranka lana siiyey shaqsiyaad ku xidhan ehelada xayndaabka madaxtooyada iyo shirkado sameys ah oo ay wax ku leeyihiin Wasiiradda ugu tunka weyn xukuumada. kuwaas oo hada ku gaafanoobey libqintii iyo laba liska dheeftii ay ka heleen ilihii dhaqaalaha ee wadanka .Waxaa laga dhawaajiyey in Qandaraasyadan badan ee dhinaca ka raran aan Ganacsatada iyo shacabka Somaliland marna loo soo bandhigin si loogu tar tamo sife xalaal ah ( fair competition ) laakiin lagu bixiyey sife jeegaamaysan oo gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah . Taas oo shacabka reer Somaliland ucadaysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii midhihii dawladnimo, maadaama loo badheedhay in aan cadaalad lagu qaybsan manfaca iyo muquunadii uu qaranku wada lahaa. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa badbaado qaran iyo in dalka laga badbaadiyo xisbiga dalka boobay ee kulmiye lana taageero Xisbiga isbedeldoonka ah ee Wadani waxaana shacabka Somaliland laga codsanyaa in ay codkooda ku ciil baxaan oo Xisbiga waddani codkooda siiyaan .

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan.. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.”……… !!

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Email, RSS Follow