Xisbiga Waddani Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Masuuliyiinta Laamaha UK Iyo Qaarada Yurub ee Xisbiga Oo Ka Qaybqaadan Doona Hawlaha Ololaha Iyo Doorashada.+SAWIRRao

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Masuuliyiin uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani ayaa magaalada Hargeysa ku soo Dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo ka soo kicitimay magaalada London ee dalka UK iyo qaybo ka mid ah qaarada Yurub.

IMG_2046

IMG_2043-150x150

IMG_2044

IMG_2047

IMG_2048

IMG_2062

Waxaana weftigan ka soo dagay magaalada Hargeysa hogaaminayey Xoghayaha laamaha dibada ee xisbiga Waddani Axmed Cali Naahi, Xidhiidhiyaha laamaha dibada ee Axmed Naasir iyo Xoghayaha Saxaafada ee Qaarada Yurub ee xisbiga WaddaniAxmed Carab, waxaana garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka kala socda garabada xisbiga Waddani.
Soo dhaweynta masuuliyiintan waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani, Mudane Xuseen Aadan Cade “Maanta waxaynu soo dhaweynaynaa saddex Axmed, Xoghayaha laamaha dibada Axmed Cali Naahi, Xidhiidhiyaha laamaha dibada ee qaarada Yurub Axmed Naasir iyo Xoghayaha Saxaafada ee Qaarada Yurub Axmed Carab, waxaanu ku soo dhaweynaynaa gacmo furan oo in badan xisbiga ka mid ahaa laamaha dibada.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex, Xuseen Aadan Ca

IMG_2059

IMG_2049

IMG_2052

IMG_2053

IMG_2054

IMG_2055

IMG_2056

IMG_2057

IMG_2058

IMG_2059

Sidoo kale waxa isaguna soo dhaweynta masuuliyiintaasi ka hadlay Kaaliyaha Warbaahinta ee murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal waxaanu yidhi “maanta waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa xubno muhiim ah oo xisbiga qaali ku ah oo door weyn ka soo qaatay xisbiga. Sidaad ogtihiin xisbigu debed iyo gudoba wuu ka dhisan yahay, markaa runtii xubno door weyn dibada ka soo qatay imikana aanu filayno inay nala mataanoobi doonaan oo ay door weyn ka qaadan doonaan ayaanu filaynaa.” Ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis kaas oo sheegay in door muuqda ay qurba joogtu ku leedahay xisbigu, waxaanu leenahay soo dhawaada.