YEEDHA YEEDHAHA HORDHACA NATIIJADA CODBIXINTA DOORASHADA MADAXTOOYADDA EE GOBOLADA DALKA IYO SIDA AY UGU KALA HOREEYAAN XISBIYADDU

Tan iyo intii ay soo xidhantey Codbixintii Guud ahaanba Shacbiga Somaliland ku dhiibteen codadkooda Doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee 2017ka

graph1

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Tan iyo intii ay soo xidhantey Codbixintii Guud ahaanba Shacbiga Somaliland ku dhiibteen codadkooda Doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee 2017ka oo maanta looga dareeray guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka,ayaa hordhaca tirooyinka rasmiga ah ee codkooda dhiibtey lasoo gabagabeeyay,taas oo yeedhayeedhaha Xarumaha Gobolada iyo Degmooyinka dalka laga ogaadey sida ay ilaa iyo hadda ugu horeeyaan Xisbiyada Qaranka ee ku loolamey Doorashadaasi Kulmiye Ucid iyo Waddani.

Natiijooyinka hordhaca ah ee Shabakada Wararka

Salaanmedia.con kasoo gaadhey Gobolada dalka ayaa, lagu xaqiijiyey in Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani kaga lib helay labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid Gobolada Sanaag,Sool,Togdheer,Awdal halka Gobolka Saaxilna uu Xisbiga Kulmiye ka horeeyo codad aan ka badneyn shan kun oo cod islamarkaana, Gobolka Maroodi/jeex iyo Caasimada Hargeysana aad isugu dhaw yihiin labada Xisbi.
Inkastoo,aaney wali Komishanka Guud ee Doorashooyinku soo saarin Natiijadii dhabta aheyd ee Codbixinta Doorashada natiijada ugu dhaw ee hordhaceeda la hayaa waxey noqoneysaa sidaa aynu xusney.