Daawo: Ka Xorowgii Aqoon La’aanta

Axad.17.12.17…Waa muqaal xanbaarsan laba xaalood oo kala duwan. Midi waa  waxbarasho la’aan, halka xaaladda labaad na tahay xalkii laga gaadhay. Waa muuqaal isu keenid ah oo soo koobaya documentry filimyadii hal-ku-dhiggoodu ahaa “HALKII AAN KA IMI” oo laba jeer iska soo daba baxay, oo uu sameeyey suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare).

Nuruka ay gudbinayeen waxa ay ahaayeen waxbaraasho la’aanta miyiga iyo xalka lagaga bixi karo, iyadoo si gaar ah loo xushay 12 jir bilaa waxbarasho ku ahaa miyiga. Farriinta ugu mudanna waxa bixinayey Mawliid Xasan Macallin (oo ahaa 12 jir aan waxbarasho xilligaa haysan).

Sannad badh ka dib Mowliid yare xaggee ayey waxbarashadii isla marayaan? Maxaa se u kordhay? Muxuu dareemayaa?

Halka hoose ka daawada: