DEG DEG:Dawlada Emaratka Carabta Oo Cadaysay Siyaasadeeda Somaliya Meeshana Ka Saartay Somaliland Khashiftayna Heshiisyadii DP World Iyo Saldhiga Berbera In…06.12.17

DEG DEG:Dawlada Emaratka Carabta Oo Cadaysay Siyaasadeeda Somaliya Meeshana Ka Saartay Somaliland Khashiftayna Heshiisyadii DP World Iyo Saldhiga Berbera In…06.12.17news

Sida warbaahinta dalka Emaratka carabtu shalay faafiyeen ayaa waxaa telefishanka dalkaasi faafiyay xidhiidhka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Emaratka Carabta waxaana warbixintaasi lagaga waramay saldhiga Emaratka Carabta Iyo Dp World ee Berbera.

Warbixintani ayaa lagu soo daray socdaalkii ugu dambeeyay ee Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo ku tagay Emaratka Carabta taasi oo lagu sifeeyay mid taariikhiya isla markaana hoosta ka xariiqaya in dawlada Somaliya bogaadisay caawimaada Emaratka Carabtu ka gaystay Somaliya waxaana warbixinta lagu sheegay in Somaliya heshiis lagashay dawlada Emaratka Carabta Saldhiga Berbera,Dp World Bosaso Iyo Berbera iyo waliba dhismaha ciidamada Somaliya oo qaybmuhiima kaga jirto dawlada Emaratka Carabta.

Warbixintani ayaa khashiftay in heshiiskii Emaratka Ee Berbera ay saxeexday dawlada Somaliya isla markaana warbixinta ayaa lagu soo gabogabeeyay dawlada Emaratka Carabtu waxay ixtiraamaysaa Midnimada Iyo Xoriyada Somaliya taasi oo sheegashada dawladnimo ee Somaliland meesha kasaartay.heshiisyadii lagalayna dhamaan cadaysay in dawladii Somaliya saxeexday Somaliland qaab maamul goboleed goobjoog uga ahaayeen.

Dawlada Emaratka Carabta ayaa la ogayn waxay uga jeedo in xiligani laga waramo oo la khashifo xidhiidhkeeda Somaliland iyo heshiisyada DpWorld Iyo Berbera oo lagu sheegay in Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid qalinka ku duugay.

Cabdiraxman X Xasan (Suul)