Jamal Cali Xuseen oo sida fiinta uga qayliyey hadalo lagu soo bandhigay baraha lagu sheekeysto ee Facebuuga..‘’Marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto’’Jamaal Cali Xuseen

Jamal Cali Xuseen oo sida fiinta uga qayliyey hadalo lagu soo bandhigay baraha lagu sheekeysto ee Facebuuga..‘’Marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto’’Jamaal Cali Xuseen

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Halkan kaga boqo qoraalkiisa.

Kkkkk waar bal imtixaankan eegga, waar anigu dalka umaan iman inaan wasiir ka noqdo, manaan doonan xil, kii aan doontay iyo murashaxnimadiina wixii ka dhacay waad wada ogsoon tihiin.

Marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto. Waxaanan ku faraxsanahay in aniga iyo taageerayaashaydii aanu door weyn ka ciyaarnay guusha Madaxweynaha la doortay. Ilaahay baa marwalba ii suurtogeliya in aan dhinaca guusha la socdo, hadday tahay inay UCID xisbi u soo baxdo iyo in Kulmiye madaxweynaha ku guuleysto. Siyaasadda waan u da’ yarahay Mustaqbalka inshallah, imikana waaya aragnimo weyn Oo aan caalamka ka soo helay intii aan xoogayga ku shaqaysanaayey waxay ii saamaxday inaan ku darsado waaya aragnimo dalka gudahiisa ah. Waxaan hanbalyeeynayaa golaha wasiiradda cusub, Ilaahayna hawsha haw fududeeyo, madaxweynaha cusub aynu taageerno. Dadka waaweyna wakhtigooda ha ka fasiidaystaan oo yaan lagu mashquulin Hebel Wasiir Ma noqon iyo wuu noqday, dadka qaar Waxay rabaan inay dalka si kale wax Ugu taraan.

3F79AB54-B982-4BD6-95EB-1B88C5B772CB

Guul iyo gobanimo,

Jamaal Cali Xuseen