HADII AYNAAN NOLOSHA U QOSLIN WAXAYNU WAAYAYNAA RAJADA AYNU KU NOOLAHAY

London (Salaanmedia.com)_ Saynisyahanka mucjisada ah ee Ingiriiska u dhashay, Stephen Hawking, ayaa mar uu Siddeedii bishan u dabbaaldegeyey gu’gii 76 ee cimrigiisa waxa uu maxadka boqorktooyada ee London ka jeediyey khudbad cilmiyeed uu kaga hadlay murugada iyo qulubka, waxa aanu farriin u diray dhammaan dadka dunida ee qaba dhibaatooyinka nafsadeed iyo caafimaad darrada dhimirka.

thumbs (8)

Hawking waxa uu sheegay in aanay jirin murugo iyo xaalad nafsiya oo uu qofku weligii ku waarayo, balse ay xaalad kastaa waqti iskaga eegtahay, mar kastana rajada caafimaad ay badan tahay. Saynisyahanka naafada ah oo sida sawirkiisa ka muuqata uu madaxa oo keliyi shaqaynayo ayaa khudbaddan ka hor akhriyey dad tiradoodu 400 tahay oo isugu yimid in ay dhegeystaan hadalkiisa si ay uga faa’idaystaan. Waxa kale oo uu Hawking ka sheekeeyey guulaha uu gaadhay intii uu noolaa, sida uu caqabadaha ka hor yimi uga gudbay iyo waxyaabaha u fududeeyey la noolaanshiyaha naafonimada ka dhalatay cudurka dhifta dunida ku ah ee ‘Motor Neuron Disease (MND)’ oo laga helay sannadkii 1963kii. Waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “In kasta oo aan la kulmay nasiibdarrada ah in uu igu dhacay cudurka ‘MND’ haddana wax kale oo kasta aad ayaa aan ugu nasiib badnaa” Isaga oo si gaar ah u xusay takhasuskiisa cilmiga Fiisigiska oo uu sheegay in aanu xanuunkiisu mar keliya caqabad ku noqon.

Ha rajo beelin

Hawking waxa uu sheegay talooyinka kale ee ay tahay in uu raaco qofka doonaya in uu ka badbaado qulubka iyo warwarka, isaga oo taladaas jeedinaya ayaana uu yidhi, “Waxaa iyaduna muhiim ah in aanad cadhoon, si kasta oo ay noloshu kugu adkaato, waayo cadhadaasi waxa ay keeni kartaa in aad rajo beesho” Isaga oo ka hadlaya xalka ugu fiican ee lagaga hortegi karo niyadxumada ka dhalata guuldarrada iyo caqabadaha nolosha ayaa waxa uu sheegay in sida ugu fiicani ay tahay in aynu nolosha u qosolno, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Haddii aad ku qosli weydo naftaada iyo guud ahaan noloshaba, waxaa dhici karta in ay rajada oo dhami kaa dhimato”

Hawking waxaa loo aqoonsan yahay saynisyahannada dunida casrigan ugu waaweyn, waxa aanu aragtiyo badan oo celiya ku soo kordhiyey sayniska.

Hawking ayaa markii sannadkii 1963 kii laga helay cudurkan oo dila unugyada maamula muruyqada iyo dareen-wadayaasha, waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu noolaan karo ugu badnaan laba sano, maadaama oo cudurkan lagu yaqaanno in qofka uu ku dhaco uu ku dilo muddo shan sano gudahood ah, laakiin taasi ma’ay dhicin oo Hawking waa uu nool yahay illaa hadda oo uu 76 sano jiray, waxa aanu awooday in uu noqdo saynisyahan dunida oo dhan magac ku leh.