“Qabyaaladu Waxay Ka Mid Noqotay Hab Nololeedka Bulshada,Iyaga Oo Aan Dhaadayn Siday Caqabad Iyo Halis Ugu Tahay Jiritaankooda Iyo Qaranimadooda”. Cabdikarriim Axmed Mooge January 5, 2018

“Qabyaaladu Waxay Ka Mid Noqotay Hab Nololeedka Bulshada,Iyaga Oo Aan Dhaadayn Siday Caqabad Iyo Halis Ugu Tahay Jiritaankooda Iyo Qaranimadooda”. Cabdikarriim Axmed Mooge
January 5, 2018

Mooge
Anaga oo aad ugu hambalyaynayna golaha xukumada in maanta go’aamadii ka soo baxay kalfadhigoodi labaad uu ku jiray qodab ku saabsan qabyaalada oo u dhignaa sidan: “ IN LA JOOJIYO QABYAALADA LOO ISTICMAALO WARBAAHINTA KALA DUWAN EE DALKA KA HAWL-GASHA”
Qabyaaladu waxay ka mid noqotay hab nololeedka bulshada iyaga oo aan dhaadayn siday caqabad iyo halis ugu tahay jiritaankooda iyo qaranimadooda. Qabyaaladu waxay ku murugtay siyaasada Somaliland, xisbiyada qaranka oo aan u samaysanay in aan kaga baxno qabyaalada ayaa noqday qaar aan ku dhisnayn aragtiyo iyo fikiro siyaasadeed, dhamaantootna waxay dabada la galeen qabiilkii. Qabyaaladu waxay isku soohday qabiilkii iyo qaranimadii!
Sidaas darteet, si wax laga qabto qabyaaladu waxay u baahantahay qorshe qaran oo dhamaystiran oo lagu joojinaayo aafadan ku habsatay qarankan Somaliland, mushkilada qabayaaladu ma’aha mid lagaga adkaanaayo ama ku joogsanaysa hal go’aan ee waxay u bahantahay dadaalo wada socda oo leh siyaasad cad oo hagaysa sida loo joojin karo qabyaalada!
Cabdikarriim Axmed Mooge