“Dacwad ka dhan ah khatarta iyo hagardaamada mashruuca Fursad Fund.. ” Guddiga fulinta ee Dallada SSE February 12, 2018

“Dacwad ka dhan ah khatarta iyo hagardaamada mashruuca Fursad Fund.. ” Guddiga fulinta ee Dallada SSE
February 12, 2018

SSE-yurub
Waxa hubaal ah in Jamhuuriyadda Somaliland lagu hayo dagaal siyaasadeed oo halis ku ah qaranimada isla markaana leh wejiyo badan. Beryahan dambe waxa Somaliland loogu soo gabanayay dhinacyada ururada aan dowliga aheyn ee ujeedadoodu tahay inay fuliyaan hawlo samo-fal ah. Bayaankan waxaynu si gaara diirada u saaraynaa mashruuca ama barnaamijka Fursad Fund.

Mashruucan Fursad Fund waa mid himilooyinkiisa laga hagayo Soomaaliya, kaas oo hadafkiisa iyo ujeedadiisu ay tahay u adeega arrimaha Somaliweyn laguna wiiqaayo jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland. Sida ku cad qaab-dhismeedka barnaamijkan mashruucan waxa wada koox uu hoggaaminayo Wasiirkii Qorshaynta xukuumaddii Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Caynte (oo uu isagu aasaskiisa lahaa) oo hadda ah Safiirka Somaliya ee dalka UK. Ururkani waa mid had iyo jeer ku foogan furfurka iyo kala qaybinta bulshada somaliland, gaar ahaana dhallinyarada si loo daciifiyo fikirkooda wadaninimo ee ku aadan aaminsanaanta jiritaanka Somaliland.

Guddida maamusha oo ay ku jiraan aasaasayaashii Ururku waa toban qof, waxayna kala joogaan gobolada kala duwan ee Soomaaliya (oo sida ay u arkaan Somaliland ay ku jirto), waxaana guddidaa ka mid ah nin u dhashay reer Somaliland oo ah lambarka 7aad.

1.7. Maxamed Cumar: dhiirriggeliye dhallinyar oo u heellan danaha da’yarta sida oo kalena ah aasaasaha iyo Agaasimaha Mac-hadka Horumarinta Dadka (Human Development Institute) oo ku yaal Boorama, Soomaaliya. Waxa uu khudbado dhiirriggelin ah ka soo jeediyaa shirar dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ah, waxaana xaruntiisu si joogto ah tababarro ugu qabtaa dhallinyarada.

SHARCI JABINTA
Haddaba Fursad Fund iyo joogitaankeeda Hargeysa waa mid dhaawac ku ah qaranka Somaliland waxayna xadgudub ku tahay dastuurka dalka gaar ahaana Xeerka Ururrada Samafalka ee aan dawliga ahayn (Xeer Lr. 43/2010), xeerkaas oo golaha wakiilada J.S.L. ansixiyey 2/10/2010 isla markaana Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku dhaqan geliyey digreeto Madaxweyne oo soo baxday 10/11/2010.

WUXUU ANSIXIYAY XEERKAN:
Qodobka‐ 10aad: Waajibaadka Ururadda aan Dawliga ahayn
Urur kasta oo aan dawli ahayn oo si xeerkan waafaqsan lagu diiwaangeliyo waxaa waajib ku ah:
1. In uu ixtiraamo, aqoonsado madaxbannaanida, aayo-katashiga Qaranimada JSL, dhaqanka iyo caqiidad
a ummada JSL.
2. In uu ixtiraamo, kuna dhaqmo Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Somaliland, una hoggaansamo siyaasadaha xukuumadeed iyo tallooyinka xukuumadda ee ku wajahan wax qabadkooda.
Qodobka- 11aad: Arrimaha ka reeban Ururada aan Dawliga ahayn:
Ururada aan Dawliga ahayn, waxaa ka reeban:
6. In loo isticmaalo dhaqaalaha iyo hantida ururka, wax kasta oo lid ku ah danaha qaranka, caqiidada diimeed, anshaxa bulshada, caafimaadka, xasiloonida qaranka ama wax kasta oo ku wajahan qabyaalad iyo takoor.
Haddaba iyada oo aan la soo koobi Karin dhacdooyinka ku aaddan arrimaha Somaliweynimada ee mashruuca Fursad Fund qaybteeda Hargeisa Job Fair, waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Qorsheynta Qaranku ay ogolaansho diiwaangelin siiso ururradaas ka soo horjeeda qaranimada Somaliland, iyadoo baal maraysa xilkii iyo waajibaadkii ka saarnaa ee loo igmaday xeerka kor ku xusan (Xeer Lr. 43/2010).

XIL GUDASHA LA’AANTA IYO WAAJIBAADKA AY KA GAABISAY
Xeerka iyo nidaamka uu ka gaabiyay wasiirkii hore gudashadooda waxa ka mid ah arrimaha soo socda:
· Xaqiijinta hadafkiisa, ujeedadiisa iyo hawlaha uu rabo in uu ka shaqeeyo ay waafaqsanyihiin xeerarka dalka.
· Hubinta in dhammaan shuruudaha ku sheegan qoddobka 13aad ee xeerkan in uu buuxiyay,
· In oggolaansho la siiyo ururada aan dawliga ahayn ka dib marka lagu qanco in uu u qalmo in la diiwaangeliyo.
· In Wasaaradda Qorsheyntu ay la socoto, dabagasho wax qabadka ay fulinayaan ururada aan dawliga ahayn.
·

WAX KA QABASHO LA’AANTA DACWADDII
Dallada SSE oo si iskaa ah ugu adeegta danaha dalka iyo dadka reer Somaliland ayaa markii ay ka warheshay dhagaraha iyo khataraha ku soo wajahan Qaranka Somaliland ee la xidhiidha mashruuca Fursad Fund ayaa marar badan dacwado ka dhan ah arrinkan u gudbiyay dawladii hore. Dacwadahaa ay Dalladu gudbisay waxa la socdey faahfaahimo dheeraad ah iyo weliba cadeymo si cad u muujinaya kahataraha uu wato mashruucani. Cadeymaha ay Dalladu gudbisay wax aka mid ahaa:-
· Hoggaanka iyo shakhsiyaadka hagaya mashruuca oo ah dad xilal ka haya xukuumadda Soomaaliya.
· Fursad Fund qaybtiisa Hargeisa Job Fair in uu yahay mashruuc xaruntiisu tahay Muqdisho.
· Cinwaanka guud ee ururka oo ah Muqdisho (Maka-Al-Mukarrama road, KM4, Muqdisho, Soomaaliya.
· Waxa kale oo ah cadeymahaa la socdey ujeedooyinka iyo himilooyinka dhabta ah ee Mashruucani salka ka hayo.

Dallada SSE waxay arrinkan wax-ka qabashadiisa si gaara ugula xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo weliba Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan (qabo) oo isaga arrinkani si gaara u khuseynayay. Wasiirkii hore ee qorsheynta qaranku wuxuu Dallada SSE u balan qaaday ilaa afar jeer in uu tallaabo ka qaadi doono sidii loo joojin lahaa mashruucaa. Waxaa nasiib daro ah in wasiirkaasi xilka ka degay iyada oo aanu waxba ka fulin ballanqaadyadii ahaa sidii loo xidhi lahaa mashruuca Fursad Fund.

GABAGABO
Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jaalliyadaha Qaarada Yurub iyo ururro kale oo reer Somaliland ah ayaa wax ka go’an in aan laga hadhin dacwadaha ka dhanka ah mashruucan iyo kuwa la midka ah.
Dalladu waxay aaminsantahay in wax-ka-qabasho la’aanta mashaariicadani ay yihiin qaar wiiqaya sharcigeenna isla markaana laga dhaxli karo cawaaqib xumo.

Ugu dambayn, Dallada SSE waxay xukuumadda cusub ee Somaliland si xushmadi ku jirto uga codsanaysaa inay tixgeliso warbixinaha iyo digniinaha aanu soo gudbinay oo hay’adaha sida gaarka ah ay khuseysaa ay ka qaadaan tallaabada ku habboon ee sharciga waafaqsan mashruucan Fursad Fund qabta Hargeysa (job fair) oo hagardaamo ku ah qaranka Somaliland.

Alle ayaa mahad leh,
Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:
Guddiga fulinta ee Dallada SSE
www.sseuro.com
Tel:45 25 53 93 15