Deg Deg ]:- Gudoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye Oo Iminka Iscasilay Iyo Sababta Ku Kaliftey +[ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Waxaa goor dhaweyd ku dhawaaqdey in ay iskaga tagtay xilkii
isla markaana ay iscasishay gudoomiyihii garabka haweenka xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye oo xilkaas haysay muddo 15 sanadood ah .

Marwo Canab Cumar Ileeye oo la hadashey telefishanka Eryal waxaa ay sheegtay in sababta ay isku cashishay ay tahay mid iyada u gaar ah isla markaana ay iminka noqotey qof da ahaan weyn

Sidoo kale warar xog ogaal ah oo ilaysnews.com Heshay ayaa tibaaxaya in Marwo Canab Cumar Ileeye cadaadis kaga yimid dhinaca hogaanka sare ee xisbiga iyo sidoo kale iyada oo ka cadhootey madaxweyne Muuse Biixi oo ay halgan dheer soo wada galeen isla markaana aan wax xil ah u magacaabin

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=vMeqtz-1ZVI