Qorsheyaasha Cusub ee Aqoonta iyo Waaya aragnimada ku Salaysan ee Qaranka u Dajiyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yusuuf Maxamed Cabdi. Qaybta 3’aad. W/Q.Mawliid Maxamed Siciid.

wasiirQorsheyaasha Cusub ee  Aqoonta iyo Waaya aragnimada ku Salaysan ee Qaranka u  Dajiyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yusuuf Maxamed Cabdi. Qaybta 3’aad. W/Q.Mawliid Maxamed Siciid.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Yusuuf Maxamed Cabdi oo ah Mid kamid ah Masuuliyiinta Tiirarka ugu Miisaanka Culus ee Qaranka Somaliland iyo Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa Wasaarada Maaliyada waxaa uu u Dajiyay Qorsheyaal Badan oo wax ku ool ah isla markaana Faa’iidooyin badan u leh Shacabka Somaliland kuwaasoo dhaxal gal ah.

Halkan waxaan ku soo Qaadan doonaa qaar kamid ah Qorsheyaasha uu Dajiyay Wasiirka Maaliyada Somaliland  Yusuuf Maxamed Cabdi Waxaana kamid ah.

Miisaaniyada: Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland waxaa loo Qorsheeyay Sanadkan Cusub ee 2018 in laga Guuro  Qaab miisaniyadeed kii hore Habka isku dheelitirka Kharashka iyo Dakhliga (Line item Budgetary), iyadoo loo guuri doono Hab miisaniyadeed ku dhisan Waxqabad iyo Horumar  (Performances  and capital Budget) iyadoo ay kawada shaqayn doonaan Golaha wakiilada Gudida  Dhaqaalaha Maaliyada iyo Ganacsiga.

Wasiirka Maaliyada Somaliland  Yusuuf Maxamed Cabdi waxaa u Qorshaysan in la maro Gobolada iyo Degmooyinka Dalka si ay Bulshadu uga qayb qaadato Samaynta Miisaaniyada (Budget Cummunity Participation), Sida uu dhigayo Xeerka Miisaniyada Qaranka Xeer Lambar 75, 2016.

Dib u Habaynta iyo Kobcinta Miisaaniyada Qaranka,Waxaa Dibu habayn maamul oo Balaadhan lagu Sameynaya Waaxyaha ay ka Kooban tahay Wasaarada Maaliyadu iyadoo laga shaqayn doono arintaa Qaybaha ay Quseyso sida Haayada Shaqaalaha dawlada.

Waxaa si Gaar ah loo Xoojinaya Qaybaha Cashuuraha ee Kastamada Waaxyaha Cashuuraha Bariga iyadoo dib u habayn iyo Tayayn lagu samayn doono Guud ahaan  haday tahay Siyaasad Shuruuc, Shaqaalaha iyo Agabka looga baahan yahay in ay Xafiisyadu ku shaqeeyaan.

Lixda bilood ee ugu horaysa waxaa la Xoojin doonaa dibna loo eegaya Dakhliga dhanka Cashuuraha kasoo Galay Wasaarada Maaliyada iyadoo la Dabakhi doono Hab cashuureed loo sima yaha oo isku si looga Cida ay Ku waajibtay.

Md Yusuuf Maxamed Cabdi Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland waxaa kale oo u Qorshaysan in Dib u habayn lagu sameeyo Dakhliga ee ina soo gale ee aan ahayn Cashuuraha Sidoo kale waxaa gacanta Dawlada lagu soo celin doonaa Dakhliga Sidoo kalena waxaa la abuuri doonaa ilo dakhli oo Cusub.

Waxaa la Dar dar galin doonaa Xoogana lasaari doonaa  Qorshaha Dibu habaynta  Maamulka  Maaliyada iyadoo si dhaw loola shaqayn doono Dhamaan Dawladaha Bangiyada iyo Haayadaha Sida Dawladaha Ingiriiska, Maraykanka, Midowga reer Yurub iyo Baanka Aduunka.

Qiima dhaca Shilinka Somaliland oo ah aafo qaran ayaa waxaa loo Xilsaaray Gudiyo farsamo oo ku hawlan in arimahaa wax looga qabto si deg deg ah.

Waxaa kale oo Qorshaha wasaarada Maaliyada Ku suntan in Jaamacadaha dalka laga sameeyo Cilmi baadhis iyo Daraasado dhamays tiran  oo tilmaamaysa sidi xal waara  looga gaadhi lahaa Qiima dhaca Shilinka Somaliland.

Maadama adtaanta labaad ee qaran leeyahay ay tahay Lacagta waxaa lagama maar maan ah Qofkasta oo Somalilad u dhashay inuu ka shaqeeyo sidii loo Isticmaali lahaa Shilinka Somaliland korna logu qaadi lahaa waxaana arintaa Hormood ka ah Xukuumada uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sicir bararka iyo shaqo la’aanta  Maadama dalku ku tiirsan yahay Waxyaabaha dibada laga keeno Wasarada Maaliyadu waxaa u qorshaysan in ay si dhaw ula shaqaynayso  Wasaaradaha Waxsoosaarka iyadoo  miisaniyad ku filan u qorshayn doonta Xoolaha Kaluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta.

In la abuuro Shirkado iyo Wershado yar yar oo ay leedahay Dawladu (Government enterprise and small industries) Kuwaasoo ka qayb qaadan doona Daboolida baahiyaha kala duwan iyo Shaqo abuurka, Sidoo kalena Ganacsatada ku dhiiri galiya inay keenaan Wershadahii farsamayn lahaa Badeecadaha faraha badan ee laynooga soo waarido Dalalka Shisheeye.

Sidoo kale waxaa Qorshaha ku jirta In lala shaqeeyo dawladaha jaarka ah sida Itoobiya in lala wadaago Ganacsi isla markaana dib loo eego Heshiisyada lala galay Taasoo keeni karta shaqo abuur iyo in Ganacsigeena loo helo suuq.

La dagaalanka Musuqa, iyadoo Siyaasada Madaxweynahu ku dhisan tahay saraynta Sharciga iyadoo taa laga duulayo waxaa la Qorsheyay in la dabar gooyo Xididadana loo siibo Musuq maasuqa noockasta oo uu yahay  iyadoo Wasaarada Maaliyadu u qorshaysan tahay in si qaab kasta loola dagaalamo Musuq maasuqa.

W/Q.Mawliid Maxamed Siciid.

Email: Mawliidmarshal@gmail.com

Tell 063-4129951  Hargeysa.