Wasaaradda Deegaanka Oo Gacanta Ku Dhigtay Diin Lagu Kootarbaaninayay Gaadiidka Tukhaanka Loo Yaqaan Iyo Suuqyo Diinka Lagu Kala Iibsado Oo Hargeysa Ka Dillaacay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigtay Dhawr gaadhi oo nooca Tukhaanka loo yaqaan ah oo si qarsoodi ah lagu soo rakaabiyay Xawayaanka Xamaalatada ah ee Diinka loo yaqaan oo suuq lagu kala iibsadaa ka furmay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland iyo Soomaaliya,Waxaana Diinkii iyo gaadiidkiiba ay ku xeraysan yihiin Xarunta Wasaaradda deegaanka ee Magaaladda Hargeysa.

IMG_F8F2D1-9F6721-DD16E8-72F0E6-F5869D-850FEC

Sida lanoo xaqiijiyay,Masuuliyiinta Gobolka Maroodi Jeex ee Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Somaliland, iyagoo kaashanaya Ciidamada Bilayska Somaliland, waxa ay Todobaadkan gacanta ku soo dhigeen Saddex illaa Afar Gaadhi oo nooca Tukhaanka loo yaqaan ee magaalooyinka waa weyn ka dhex shaqeysta, Kuwaasi oo kootarabaaninayay islamarkaana si qarsoodi ah loogu soo cabeeyay daraasiin Xawayaanka Diinka loo yaqaan ah,waxaana gaadiidkii iyo diinkiiba ay hadda ku sugan yihiin Xarunta Wasaaradda Deegaanka ee ku dhegsan Beerta Xorriyadda Hargeysa ee qarka kaga dhegsan Dooxa wayn ee Hargeysa,iyadoo raggii dirawaliinta ahaa iyo kuwii la socday ee diinkaasi watayba xabsiga loo taxaabay,lana sheegay in Maxkamad lagu soo taagayo.
Inkasta oo aanay wali Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanku ka hadal dhacdadan iyo Gadiidkan ay qabteen hadana sida Warbixintani nagu soo gaadhay waxa Gaadiidkan Xayaawanka Diinka kootarabaaninayay lagu soo qabtay Deegaamo ka tirsan Gobolka Maroodi jeex ee Caasimada Dalka ee Hargeysa, iyagoo sida Wargeyska Foore loo xaqiijiyay gaadiidkaasi mid waliba uu siday Dhawr xabo oo Xayawaanka Diinka ah islamarkaana sida la aaminsan yahay ay ku wadeen Goobo kuyaala Gudaha Magaalada Hargeysa oo Xawayaanka Diinka lagu kala iibsado. Ciidamada Bilayska ayaa xabsiga dhigay Dirawaliintii Gaadiidkaasi Diinka lagu soo qabtay waday,kuwaasi dhawaan maxkamada la horgayn doono sida ay noo iftiimiyeen Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Wasaaradda deegaanka.
Badhtimihii Bishii hore ayaa Warbaahinta Soomaalida lagu baahiyay Suuqyo ganacsi oo Qiime sare lagu kala siisanayo Nooc ka mid ah Xawayaanka Xamaalatada ah ee Diinka oo ka furmay Magaaladda Muqdisho, Waxaanad moodaa inay Suuqyadaasi hadda u soo gudbeen Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland,islamarkaana ay Suuqyo xaami ah ka furmeen Gudaha Magaalada Hargeysa,oo Diinka la qabtay loo waday si looga iibiyo.