Wasiirka horumarinta biyaha oo cadeeyey in Mashruucii Biyo balaadhinta ee Xunbo weyne uu si xun u fashilmay. qalinkii A/rahman fidhinle

maqaalWaxaynu ka wada dheregsanahay in inyar oo kooban  shacabka Caasimada hargeisa ay helaan biyo nadiif ah oo joogto ah.Waxay Xukuumadii Siilaanyo ee musuq badan ku fashilantay in ay hirgeliso mashruucii biyo gelinta ee  Xumbo weyne si biyo-gelin buuxda Caasimadda u hesho, shacabka caasimaduna  ugu yaraan 50% u helaan biyaha qasabada oo joogto ah. In kasta oo shaki badan laga qabay  lacagta Malaayiinka dollar ah ee lagu raamsaday mashruuca biyo balaadhinta caasimada ee Xunbo weyne, ayaa waxaa maanta oo taariikhdu tahay 12/02/2018 daaha ka feyday Wasiirka Horumarinta biyaha mudane Saleeban Yusuf ali Koore kaas oo si cadaan ah shacabka reer  Somaliland ugu cadeeyey in mashruucii Xumbo weyne uu fashilmay oo rajadii quwada biyaha ee laga filaayey ay isugu soo ururtay laba ceel  biyood oo qudha oo aan waxba kaga filneyn baahida biyood ee Caasimada Hargeisa oo ay ku nool yihiin 1.4 million dadweyne ahi.

Waxaa kale oo wasiirka horumarinta biyuhu uu ka dhawaajiyey in  Biyo balaadhintii  Caasimada Hargeisa ay  si xun ufashilantay ka dib markii la siyaasadeeyey ee shacabkii degaanka layska horkeenay iyada oo biyaba aanay jirin ee xaalku iska ahaa geed-sare waab si lacagahaa faraha badan ee mashruuca lagu lunsaday caad iyo ciiro qarsoon loo saaro waxaana  mashruuca laga filanaayey in uu dhamaado bisha April ee sanadkan.

Boowe ! Bal u fiirso lacagahan hoose ee Malaayiinka doolar ah ee loo qoondeeyey in lagu balaadhiyo biyo gelinta Caasimada Hargeisa oo maanta Biyo la’aan iyo rajo la’aan laga taagan yahay.

1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqaday lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar

2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii  JSL ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4 magaalo oo Caasimada Hargeysi ugu horeyso.

3-Midowga Yurub ( EU ) 2012 kii ku deeqay JSL $64 Million dollar si loogu horemariyo 9 mashruuc taas oo mashuuca ugu balaadhnaa uu ahaa $8.5 Million dollar loona qoondeeyey biyo balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa

4- Waxaa iyana isla Sanadkaa qorshe howleedkii higsiga qaranka ee 2012-2016  biyo balaadhinta biyaha dalka loo qoondeeyey $28 Million oo dollar oo caasimadu ugu horeyso.

5- Dawlada Jarmalka waxay biyo fidinta Caasimada ku deeqday $ 23 Million oo dollar

6- Shirkada Coca Cola waxay ku deeqday biyo fidinta Caasimada Hargeisa $5 Million oo dollar

7- Baanka Aduunku wuxuu ku bixiyey biyo gelinta caasimada  Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar

8- Sanduuqa Somaliland ee SDF waxaa Biyo fidinta Caasimada hargeisa loogu soo riday $ 10.5 Million dollar

9- Mar sedexaad dhawaan midowga yurub ( EU ) markuu ka yaabay mashruucan wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso biyo fidinta  mashruuca xunbo weyne si Caasimadu biyo ku filan uhesho.

Total ka lacagta ayaa noqonaysa $153.5 Million Dollar  loona qoondeeyey Qorshe hawleedyada horumarinta higsiga qaranka (2012-2016 ) taa soo laga fuudhyeelay dhamaan mashaariicda dib u habeynta iyo fidinta biyaha Caasimada dalka iyo nawaaxigeeda. Lacagtaa tirada badan waxa loo qoondeeyey Biyo fidinta Caasimada Somaliland ee Hargeisa  taa soo ilaa iyo maanta ay shacabka reer Hargeisa is weydiinayaa meesha lacagtaa Malaayinka Dollar ka ahi ay martay?

Guntii iyo Gebagebadii:  Waxaa Hanti dhowrka guud ee qaranka Somaliland loo soo jeedinaynaa in uu baadho oo dabo galo lacagtaa malaayiinka doolar ah ee lagu lunsaday mashruuca biyo balaadhinta ee xunbo weyne oo ku  fashilmay gacmihii xukuumada. Waxaa Xukuumada cusub ee MBA looga fadhiyaa in ay la timaado naq iyo naruuro lagu doogsado oo lagaga baxo biyo la’aanta baahsan ee Caasimada Hargeisa ragaadisay.

Anigu daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.!! shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso!

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London