Madaxweyne Farmaajo Oo Shaqo Maalmeedkiisa U Wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga + [ Sababta Ku Kaliftey ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la
sheegay in shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

farmajo-gaashandhigga

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkiiba dhowr maalin taga xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, si uu ugu kuur galo howlaha Wasaaradda iyo arrimaha ciidamada oo dib u habeyn ku socoto.
Ilo wareedyo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu maalmaha qaar uu waqti badan soo joogo xarunta wasaaradda, balse aanu habeenkii ku hoyan Wasaaradda.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la qaata Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga Saraakiisha ciidamada xoogga, isagoo ka xog wareysta xaalada ciidamada.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Farmaajo uu maalmo ka hor la kulmay xaalad ka dhex jirtay Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidamada iyo Saraakiisha Ciidamada oo ka dhex jiray buuq ku saabsan dhanka Mushaaraadka, kaddib markii dood ka dhalatay darajada ciidan ee Saraakiisha qaar.
Balanqaadka Madaxweynaha ee doorashadiisa ayaa ka mid aheyd dhismaha iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida, inkastoo xilligan ay ciidamada wajahayaan xaalado adag oo ay ka mid tahay in aanay muddo qaadan mushaar, sidoo kalena kaalmada uu siin jiray Mareykanka uu goostay.